Ciraaq: ISIS oo qabsatay magaalo istiraatiiji ah

Date:

Maleeshiyaadka kooxda la baxday ISIS ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Anbar kadib weerar culus ay kusoo qaadeen.

Magaaladan oo la yiraahdo al-Baghdaadi ayaa 8-km keliya u jirta xarun ay leeyihin Ciidamada Cirka dalka Ciraaq oo ay hadda fariisin u tahay Ciidamo Mareykan ah, waxaana surtagal ah in ISIS ay duqeyso xaruntaas iyagoo ku sugan magaalada ay la wareegeen.

Fariisinka Ciidamada Cirka ayaa lagu tababara Ciidamo Ciraaqi ah oo loogu talo galay in ay la dagaalamaan Daacish, waxaana siiya Saraakiisah Mareykanka

Qabsashada al-Baghdaadi waxaa saxaafadda u xaqiijiyey Saraakil ka tirsan waaxda Difaaca Mareykanka ee The Pentagon iyagoo sheegay in Ciidamada Ciraaq oo magaalada hore u haystay ay iska caabiyeen weerarka balse markii dambe dagaalyahanada Daacish ay u surtagashay in ay magaalada la wareegaan.

Sarkaal la yiraahdo Rear Adm John Kirby ayaa walaac ka muujiyey qabsashada magaaladan oo kamid ahayd magaalooyin faro ku tiris ah ay Ciidamada Ciraaq haysteen, wuxuuna tilmaamay in aan la dhayalsan Karin haba yaraate.

Mareykanka ayaa weli ka fikiraya surtagalnimada in Ciidamo uu u diro dalka Ciraaq si ay uga caawiyaan dowladda taagta daran la dagaalanka xoogaga Daacish.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...