Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi ah Ugu Baroor-diiqay Madaxweyne Geelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah ugu baroor-diiqay dhigiisa dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, oo uu ka tacsiyadeeyay geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Guddoomiyihii Baarlamaanka Jabuuti Marxuum- Idiris Arnoud Ali oo geeriyooday.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray Xoghayaha gaarka ah ee xafiiska Saxaafadda madaxtooyadda Somaliland Md.Naasir Yuusuf Daahir, waxaanu dhambaalkaasi u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo isaga oo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Golaha Barlamaanka Jabuuti, Dawlada aynu walaalaha iyo jaarka nahay ee Jabuuti, iyo Shacbigeeda oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid, Alle ha u naxariistee Gudoomihii barlamaanka Jabuuti Marxuum Idiris Arnoud Ali oo geeriyooday.

waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Madaxweynaha Dawlada Jabuuti, Golaha barlamaanka, guud ahaan laamaha dawlada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Jabuuti ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo masuulkaasi ka baxay ummadda Jabuuti.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Comments

comments