Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Bilawday Hawl Gal Lagu Banaynayo Waddoyinka Magaalada Dhex Mara

Dawladda Hoose ee Magaaladda Hargeys, ayaa bilawday Olole lagu banaynayo hareeraha wadooyinka dhex mara gudaha magaaladda, gaar ahaan waddooyinka halbawlaha ah, kuwaas oo laga nadiifinayo dadka hareerohooda ku ganacsada ee meheradaha yar yar ku haysta.

Maayirka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) oo ka hadlay hawl galladaasi ay ku bannaynayaan wadooyinka gudaha magaaladda dhex mara, ayaa sheegay inay joogtayn doonaan hawl galkani oo ay maalin kasta samayn doonaan.

Maayir Soltelco, ayaa ugu baaqay dadweynaha ku ganacsada waddooyinka hareerohooda inay ka guuraan oo ay baneeyaan, waxaanuu uga digay inay ka dhego adaygaan hawl galkaasi, isla markaana haddii ay qaadan waayaan maalin kasta laga qaadi doono alaabtooda.

Caasimadda Somaliland ee Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTELCO) oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Wadada laga soo bilaabo madaarka hargeysa wadooyinka dhexmara magaalada ilaa wadooyinka u baxa jig’jigo yar iyo New hargeysa intaba waanu ka shaqay naynaa, waxaanuu soconayaa maalin kasta  ololahaasi qofkii loogu taag waayo in uu ka kaco banaynta wadooyinkaasi waxay noqonaysaa  in maalin kasta alaabtiisa  laga qaado, waxaanan leeyahay dadwaynaha meheradihiina ku ganacsada qolada inji loo sameeyeyna  inji ha tagaan qolo kastaana ha ku ganacsadaan maheradohooda”ayuu yidhi maayirka Hargeysa

Comments

comments