Wasiirka Maaliyadda Oo Kulan La Yeeshay Hay’adda Deeqaha u Qaabilsan UK

Date:

Wasiirka maaliyada iyo madaxda Hay’ada dalka Ingiriiska u qaabilsan deeqaha ee magaceeda la yidhaahdo DFID ayaa kulan ku yeeshay wasaarada maaliyada.

Hay’adda ayaa kormeeraysay marshuuca ay siisay smith International, waxaana wasiirka maaliyadu uga warbixiyay heerka miisaaniyada Somaliland isaga oo uga mahadnaqay taageerada dakhli ururineed ay siinayaan, waxaana qoraal kooban oo wasaaradu ay soo saartay lagu yidhi“Waxa maanta oo taariikhdu tahay 03/02/2015 kulan ku yeeshay xafiiska wasiirka maaliyada madaxda wasaarada maaliyada oo dhinac ah iyo madaxda haayada dalka ingiriiska u qaabilsan deeqaha ee magaceeda la yidhaahdo DFID kulankaas oo uu gudoominayey wasiirka wasaarada maaliyada Mudane Cabdi Casiis Maxamed Samaale waxa ujeedadiisu ku saabsanayd mashruuca tayaynta dakhliga (revenue mobilization) ee ay hayadu qandaraaska ku siisay Shirkada Adam smith International taas oo ay kormeer ku samaynayaan hayada DFID sida hawshu u socoto.”

Waxa wasiirka maaliyadu uu warbixin ka siiyey hayada DFID halka Madaxweynaha JSL uu kasoo qaaday Miisaaniyada qaranka isagoo kaashanaya wasaarada maaliyada taas oo ahayd 47 milyan dollar sanadkii 2010 ee xilka uu la wareegay halka sanadka 2015 uu kayahay 251 milyan oo dollar,taas oo aad arkayso korodhka iyo horumarka laga sameeyay dhinaca maaliyada, waxaana taasi noo suura gelisay inaan ku tashano waxaanu haysano isla markaana aanu waxbadan oo horumara qabsanay sida aad indhihiina ku arkaysaan ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu, sidoo kale waxa uu wasiirku uga mahad naqay Hayada DFID Mashruuca wax ku oolka ah ee ay ka bilawday dhinaca dakhli ururinta waxaana wasiirku uu balanqaaday in wax kasta oo hawshaas wasaarada Maaliyada kaga soo Beegma ay u fuli doonaan sidii loogu talagalay.

waxa kale oo wasiirku Balanqaaday in sida ugu dhakhsaha Badan ay uga gudbi doonaan shuruucdii PFM ku golaha xukuumada, waxa kulankaas dhinaca maaliyada ka qayb galay wasiirka wasaarada maaliyada,wasiira-dawlaha wasaarada maaliyada,agaasimaha guud ee wasaarada maaliyada,agaasimaha waaxda qorsheynta & Tirakoobka,xidhiidhiyaha PFM reform
Dr. Maxamed Samater sidoo kale waxa dhinaca Hayada DFID kulankaas uga qayb galay John Wearing iyo Angus Miller Gebegebadii wuxuu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad Buuxa iyo in sidoo kale mashruucan sida ugu wanaagsan looga faa”iideeyo wadanka Somaliland.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...