Gabadh isku qarixsay daqiiqado ka hor uun Goob uu khudbad ka jeediyay Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan

Haweeney la socotay gaari nooca raaxada ah, ayaa isku qarxisay meel ku dhow Garoonka kubadda cagta ee Magaalada Gombe ee dalka Nigeria. Haweeney la socotay gaari nooca raaxada ah, ayaa  isku qarxisay meel ku dhow Garoonka kubadda cagta ee Magaalada Gombe ee dalka Nigeria.
Goobta ay isku qarixsay haweeneydaasi, ayaa waxaa daqiiqado ka hor uun khudbad ka jeediyay Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan, oo dalkaasi ka wada olalahiisa tartanka doorashada Madaxtinimada.
14-ka bishaan, ayaa waxaa la filayaa in dalka Nigeria ay ka dhacdo doorashada Madaxtinimada ee dalkaasi, wuxuuna Madaxweynuhu uu olole ugu jiraa, sidii uu ku helaa taageerada shacabka.

_80735506_80733900 _80735513_80735509 _80735842_80735839 _80735847_80735843
Ilaa iyo hadda waxaa la ogyahay in weerarkaasi ay ku dhinteen saddex ruux, oo laba ka mid ah ay shacab yihiin, iyadoo 18 kalana la soo sheegaayo in dhaawacyo kala duwan, ay ka soo gaareen.
Booliska Magaalada Gombe, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay dhimasada iyo dhaawacyada ka dhashay weerarkaasi. Waxayna dusha kaga tuureen Ururka Boko Haram, oo weerarada ceynkani oo kala ah looga bartay, inuu ka fuliyo dalkaasi.

Comments

comments