Diyaaraddo duqeeyay fariisimo al-Shabaab ku leeyihin duleedka Kismaayo

Date:

Diyaaraddo dagaal loo maleynaayo in laga leeyahay dalka Kenya ayaa duqeymo ka geystay duleedka magaalada Kismaayo oo ay la beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan ururka al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta ay ka dhacday degaanka Yoontooy oo ilaa 15-km u jirta magaalada Kismaayo, waxaana aagas dhowaanahan uu ka socday dagaalo u dhaxeeya Ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa Kenya oo ka tirsan AMISOM iyo maleeshiyada al-Shabaab.

Lama yaqaano khasaaraha ka dhashey duqeynta, mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Ciidamada Kenya ku sugan gobolka Jubbada hoose.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii diyaarado aan la aqoon duqeeyeen degaan ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad al-Shabaab ah, waxaana Gudoomiyaha gobolka shabeelaha hoose uu sheegay in lagu dilay duqeynta ay geysteen diyaaraddaha aan cidna (drones) ku dhinteen ugu yaraan 45-dagaalyahan oo ka tirsan al-Shabaab.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...