Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaara magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia oo uu ka furmayo shir madaxeedka Midowga Arica oo ay iskugu imaanaya madaxda dalalka Africa.
Xasan Sheekh ayaa gelinkii dambe ee shalay ka duulay garoonka Aadan Cade isagoo ay waheliyaan xubno ka mid ah saraakiisha Madaxtooyada, waxaa sidoo kale madaxweyna shirkan kala qayb galay siihaya wasiirka arrimaha dibada oo ku sugan Addis Ababa.
Madaxweynaa ayaa shirkan ka jeedin doona khudbad uu kaga hadlao xaalada dalka soomaaliya iyo ladagaalanka Al-shabaab oo Midowga Africa gacan ka geysto iyo barnaamijyada Soomaaliya higsanayso sida u diyaargarowga doorasha xisbiyeed oo ka dhacda dalka 2016-ka.
Wafuud kala duwan ayaa Addis Ababa ku soo xaroonay iyagoo ka imanaya dalalka Midowga Africa waxaana Madaxweyne Xasan u qorshaysan sida afhayeenka Madaxweynuhu sheegay in kulamo uu la qaadan doono madaxda dalalka Africa.