Germany: Banaanbax lagu taageerayo Islaamka oo gacanta la isula tagay!

Date:

Waxaa habeenimadii isniinta oo Salaasada soo galeysay (Xalay) banaanbaxyo kala duwan ay ka dhaceen qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka Germany, halkaasi oo todobaadyadii lasoo dhaafay si joogto ah uga dhacayeen banaanbaxyo qaarkood looga soo horjeedo muslimiinta iyo diinta Islaamka.

Banaanbaxyada Islaamka looga soo horjeedo ayaa waxaa qaban qaabiya koox xagjir ah oo lagu magacaabo Pegida, balse waxaa iyaguna garab socday banaanbaxyo lagu taageerayo Muslimiinta oo ka xoog badan kuwa ay soo qaban qaabiyaan kooxda Pegida.

Magaalada Hannover ee ku taal waqooyiga Germany ayaa xalay banaanbaxyadaasi isu bedaleen kuwo rabshado wata oo gacanta la isula tagay.

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku dhaawacmay banaanbax looga soo horjeedo kooxda cunsuriyiinta ah ee Pegida, waxaana dadka dhaawaca soo gaaray kamid ahaa 24 askari oo Booliiska ah kuwaasi oo ku kala dhex jiray labada kooxood ee iska soo horjeeda.

Kooxda Pegida ayaa banaanbaxa ka bilaabay xalay magaalada Hannover wallow kooxdaasi ay ahaayeen tiro yar oo gaaraya 150 qof. Waxaa isla magaalada xalay laga abaabulay banaanbax lagu taageerayo muslimiinta oo ay ka qeyb qaateen 1500 qof, kuwaasi oo isku dayey inay lugta mariyaan taageerayaasha Pegida.

Booliiska oo isku dayey inuu joojiyo kooxda weerarka ku ahayd Pegida ayaa la sheegay in halkaasi uu iska horimaad ku dhexmaray dadka banaanbaxayey, labada dhinac ayaa adeegsanayey suntan dadka ka ilmeysiisa sida ay saxaafada Germany sheegtay.

Kahor inta aysan banaanbaxyadan bilaaban ayaa munaasabad lagu qabtay Kaniisad ku taal bartamaha magaalada Hannover ay ka qeyb galeen hogaamiyayaasha diimaha Kirishtaanka, Islaamka iyo Yuhuuda, kuwaasi oo si mideysan u sheegay inay ka hor tagayaan ololaha ay wadaan kooxda Pegida oo ay ku tilmaameen kooxo cunsuriyiin ah oo aysan u dulqaadan doonin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...