Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka digay mar kale in lasoo celiyo Wasiiradii hore

Date:

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya ee ku kala midoobay labada kudladood ayaa maanta mar kale ka digay in dib lagu soo daro Golaha Xukuumadda cusub Wasiiraddii hore ay diideen.

Kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen in aysan codka kalsoonida siin doonin haddii Xukuumadda lagu soo darro Wasiiraddii hore ay u diideen oo kasoo qayb qaatay riddida labadii Xukuumadood ee hore.

Xildhibaanada ayaa qoraalkooda ku sheegay in ay ka war heleen in mar kale Xukuumadda lagu soo biirinayo Wasiiradii ay hore uga soo horjeesteen, waxayna soo jeediyeen in la magacaabo Wasiiro ka shaqeyn kara danta umadda iyo gaarsiinta dalka hiigsiga 2016.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo wax ka yar todobo maalmood uga harsan tahay muddadii uu qabsaday in uu kusoo magacaabayo Gole cusub ayaa mar kale wajahaya caqabad kale.

Warar ay heshay Horseed Media ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheikh uu doonayo in lasoo celiyo Wasiirada saaxiibadiis oo ay diideen inta badan Xildhibaanada.

Beesha Caalamka ayaa maalmo kahor walaac ka muujisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Dowladda Federaalka oo dib u dhac ku ah hiigsiga sanadka 2016 oo la doonayo in la qabto doorashooyin xor ah.

Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaanada ay kasoo saareen shirkoodii kadib

 

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...