Dacwad oogeyaasha federaalka dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay kashifeen saddex nin oo Ruush ah oo ahaa basaasiin iskuxiran.
Ragaasi oo iskudayay in ay aruuriyaan macluumaad ku saabsan dhaqaalaha dalkaasi iyo in ay shaqaalaysiistaan ilo ay macluumaadka ka helaan.
Mid kamid ah ragaasi oo lagu magacaabo Evgeny Buryakov, ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taala magaalada New York, waxaana lagu dacweeyay in uu wakiil u ahaa dawlad ajnabi ah isaga oo aan wargalinin dawladda Maraykanka.
Waxaa lagu eedeeyay in uu macluumaad ka aruurinayay cunaqataynada uu Maraykanku saaray bangiyada Ruushka.
Basaasiin Ruush ah oo Maraykanka lagu xiray
Date: