Japan oo sheegtay inaysan ka baqeynin IS

Date:

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa muujiyay caradiisa ka dhalatay fiidiyow dhowaan ay soo bandhigeen ururka Daacish oo ku saabsan lahaystayaal Japan u dhashay oo ay kooxda dishay.

Kooxaha sirdoonka dalalka Mareykanka iyo Japan oo baaritaan ku sameeyay fiidiyowga ayaa waxa ay sheegeen inuu la mid yahay kuwii horey ay u soo bandhigeen iyagoo dad kale dilaya.

Waxaa la sheegayaa in Haruna Yukawa, oo ahaa lataliye dhanka amniga ah in la dilay, halka lahaystaha kale oo ahaa weriye lagu magacaabo Kenji Goto uu weli nool yahay.

Mr Abe ayaa arrintan ku sheegay inay tahay mid dembi ah oo aan la aqbali karin. Waxa uu hoosta ka xariiqay in Japan aysan ka baqeynin mintidiinta Khilaafada Islaamka.

Ra’iisul wasaaraha dalka Japan ayaa sheegay inay sii wadi doonaan wada shaqeynta ay la leeyihiin beesha caalamka ee dhanka amniga iyo nabadda.

waxa uu sidoo kale qiray inay xoogga saari doonaan ka shaqeynta amniga muwaadiniinta Japan.

Mr Abe ayaa xilli saqdhexe ah isugu yeemo golihiisa wasiirada si ay u yeeshaan kullan degdeg ah.

Ururka Daacish ayaa horey u dalbatay madax furasho aad u badan si ay u sii daayaan la haystayaasha.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...