Wasiir Abgaal Oo Luuqad Adag Kula Hadlay Suldaan Wabarka Xabada Qaatay.

Date:

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa sheegay in Suldaanka Fallaagoobay ee Abubakar Cilmi Wabar ka dambeeyay weerarkii habeen hore lagu qaaday Saldhiga Ciidanka Booliska Boorama.

Saldhiga Booliska ayaa habeen hore lagu furay rasaas, iyadoo aan la aqoonsan cidda riday xabbadahaas, islamarkaana aan cid loo qaban. Wasiirka oo xafiiska wasaaraddiisa Hargeysa ku qabtay Shir jaraa’id ayaa sheegay inay talaabo ka qaadayaan Suldaanka iyo cida taabacsan ba “Waxaan ka tacsiyadaynayaa Xabbadii habeen hore labadii iyagoo soo shaqaystay oo soo daalay Suldaan Wabar la dulyimid,

aad iyo aad anigoo uga xun ayaan runtii ka tacsiyadaynayaa.” Ayuu yidhi Wasiir Abgaal. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyay “Waxaa muddo ku siman ilaa bil iyo badh,waxaa Suldaan Wabar ka soo yeedhayay Hadalo uu ku sheegayay inuu Reer Awdal ugu raadinayo Xaq ka maqan,inuu Xoraynayo iyo inuu Somaliland ka soo horjeedo.Nasiib darro iyadoo aynu ogayn in marka horeba waxaasi ahaa Khiyaali, waxaanay ku soo gabo gabowday, iyadoo 350 Nin oo sheikh iyo Shariif bal eh oo ay hogaaminayaan Hogaanka dhaqanka iyo Ugaaska Guud ee Awdal ay shir ku leeyihiinDegmada Geb ee Awdal, iyadoo la filayo in Guud ahaan Somaliland, gaar ahaana Awdal uu Anfici doono waxa ka soo baxa Shirka Geb, inuu Suldaan Wabar Kaligii Xabbad ula waydaarto Carruurtoodii Raggaas Dantooda ka shiraya” Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland waxa uu sheegay inaanu Suldaan Wabar iyo Qayrkii toona ka aqbalayn in maanta uu xumaado Amaanka Boorama. Waxa uu sheegay inuu Xilkaasi qaadayo islamarkaana aanay dib u dhici doonin Khalkhal amni oo ku dhaca Bulshada Awdal.

Isagoo la hadlay Suldaan wabar waxa uu sheegay in si toos ah la isku waajihi doono wakhtigan. “Carruurta ay Hooyadood u soo shaqaynaysay 18 saacdood, in labada saacdood ee Hooyadood nasan lahayd ee ay seexan lahayd in Suldaan Wabar Xabad la dul yimaado mid aanu aqbalayno maaha.Suldaan Wabar wuu ina Khaayimay,dadkii soo doortay ayuu khaayimay, Somaliland buu khaayimay, waxaanay xaaladdiisu maraysaa inuu dadkii maaskiinta ahaa soo weeraro, waanu ka celinaynaa,mana aqbalayno” ayuu yidhi Wasiir Abgaal. Wasiir Abgaal waxa uu farriin adag u diray Qurbejoog uu sheegay inay tiro yar tahay oo taageersan Suldaan Wabar kuwaasi oo uu kula taliyay inaanay fidin Warar kutidhi ku teen ah islamarkaana Reer Awdal leeyihiin Somaliland.

Source: SomalilandToday

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...