Suldaanka Beelaha Somaliland Iyo Waxgarad Madaxweynaha Ugu Baaqay Inuu Degdeg Wax Uga Qabto Muran Dhul oo U Dhexeeya Ciidanka Qaranka iyo Bulshada Masallaha Degan

Date:

Hogaanka dhaqanka iyo haldoorka Bulshada Degta Koonfur bari Hargeysa, ayaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baaqay inuu wax ka qabto Garoomo Dhalinyaradu ku ciyaari jirtay oo dad shacab ah laga Iibiyay.

Madaxdhaqameedka iyo waxgaradka kale ee halkaasi ka hadlay ayaa si adag u dhaliilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqale, oo ay ku eedeeyeen Iibinta dhulkaasi.

Gudoomiyaha Guddida Horumarinta Beesha Ciida Gale cabdirisaaq Maxamed Askar ayaa ugu horayn halkaasi ka hadlay waxaanu sharaxay dhibka jira ““Arinka ugu wayn ee aanu Maanta ka hadlaynaa waxa weeyaan Dhibaatada ka taagan Xaafadda Masalaha oo Ciidan Millatari ahi Xoog ku haystaan,Waligayna Ciidan Xuduudaha ilaaliya Mooyaane Maan Arag Ciidan Joon-mitir Ah oo Dhulka Cabiraya, Dadkana Ka iibinaya, Waligay Anigu Maan Maqal Maanta ka Horow.dad danyar ah ayaanu Meesha ka qaad-nay oo aanu ku nidhi dhulkan dan guud ayaa laga dhigayaa,Meeshii dadkaas laga qaaday Hada sees ayaa lagu wareejiyay waxaana lagta iibiyay dad shacab ah”

Caaqil Cabdirisaaq oo ka hadlayay dhulkan oo kuyaala Masalaha ka Ag dhaw Madaarka Hargeysa ayaa Taliyaha Ciidanka ku xidhiidhiyay Iibinta dhulkan oo uu sheegay in Maayarkii hore ee Hargeysa bixiyay  “Ismaaciil Shaqale Taliyaha Ciidanka qaranka ayaa seesaya halkaas aanu taaganay hada madhaafi karno Meeshaba Ciidan ayaa haysta,Sidii Barigii dalka fashaqtu haystay ayaanu saddex habeenba Dadka Xaafadan dagani Shanta Galab-nimo hoyanayeen,Madaxwayne Hadaad Afar iyo labaatan Saacadood aad go’aan kaga soo saari waydo Dadka Nin Qori la’i kuma Jiro”

Wasiirkii hore ee Caddaaladda ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi ““Dhibaatada meesha taala waxa weeyaan Hadii Xukuumadu Qorshe u samayn waydo Dhalinyarada xaafada oo garoonkii ay kubada ku ciyaarayeen iibiso Tukaamo la Boobo daaye Wax la boobayaa Xafiis-yada Dawlada,Xafadan marka laga soo bilaabo calaamadaha ilaa Masalaha Iskuul dhexe kuma Yaalo,Xarun Caafimaad maleh suuq maleh meeshii la is yidhaa uga dhigana Waa laqaatay markaas waxaan leeyahay dadwaynaha,Anigu Nabad Galiyo Darada Majecli danta guud Ayaan u hadlayaa”

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa isna halkaasi ka yidhi Hadal Miisan culus“Madaxwaynahu Meeshan shan gudi ayuu u diray Hadana Guddidaas uu u diro Kalsooni kuma Qabo oo markiiba Mid Kale ayuu ka daba Saraa,Madaxwaynaha oo meeshan indhihiisa ku arka mooyaane Cid kale am gudi uu u saaro ka fiirsan mayso,waxaan leeyahay cidii Ciidanku ka iibiyeen dhulkan waxaan leeyahay meeshan haku soo lugu’in,Birihii Garoonka Hadii lagu celin waayo Maanta anaguna Habeenkaa caawa ah ayaanu anaguna Bur-burin dhamaan seeskaas la dhisay oo dhan.hadii ay xabad noqoto anaga Qoryahayagi Meel ayay noogu duu-duuban yihiin,Madaxwayne Xanjabaad nagama Ah ee waa naga dhab,Hadii 24Kaas saacadood ee aanu u qabanay wax lagag qaban waayo Geeri ayaanu ka xignaa.”

Cabashooyinka dhulka ee u dhexeeya Bulshada iyo Ciidanka Qaranka ee aagaasi Xeryaha ku leh iyo waliba Xayndaabta Madaarka ayaa soo noqnoqday, iyadoo cabashooyin badan oo bulshadu marisay Warbaahintuna u muuqdaan kuwo aan waxba laga qaban.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...