Somalia:Ansixinta golaha wasiirada Soamlia oo dib loo dhigay

Date:

Maanta oo sabti ah waxaa lagu waday in baarlamaanka Soomaaliya la horkeeno golaha wasiirada ee dhowaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in ra’iisul wasaaraha uu codsaday in 14 maalmood oo dheeraad ah la siiyo si uu isbedel ugu sameeyo golihiisa wasiirada ee uu dhawaan soo magacaabay.

Dad ku dhow gudoonka baarlamaanka ayaa u sheegay BBC-da in gudoomiyaha baarlamaanka la gaarsiiyay warqad ka timid ra’iisal wasaaraha oo uu ku codsanayo maalmahaasi dheeraadka ah, taasi oo la filayao in maantana laga hor akhriyo xildhibaanada.

Illo ku dhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale BBC-da u xaqiijiyay in arrintaasi ay jirto sidoo kalena ra’iisul wasaaraha uu doonayo in isbedel uu ku sameeyo xubnaha wasiirada ee uu magacaabay 12 kii bishan.

Dhanka kale, Illo ku dhow madaxweynaha ayaa iyaguna BBC-da u xaqiijiyay in arrintan ay isla og yihiin madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Baarlamaanka ayaa la filaayaa in codsiga ra’iisul wasaaraha uu aqbalo, si isbedelka la sheegay loo sameeyo.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa horey u codsaday in ra’iisul wasaaraha uu wasiiradiisa maanta horkeeno si ay u siiyaan ama ugu diidaan codka kalsoonida.

Golaha wasiirada ee uu magacaabay ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa u badan wasiiradii xukuummaddii hore, taas oo dhaliil loogu jeediyay, in kastoo uu difaacay markii Ra’iisul wasaaraha uu ku dhawaaqayay wasiiradiisa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...