Afar qof ayaa ku dhimatay dalka Niger, intii ay socdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo sawir gacmeedka laga sameeyay Nabi Maxamed (SCW) oo uu daabacay wargeyska Charlie Hebdo.
Wasiirka arrimaha gudaha ee Niger ayaa sheegay in seddax qof oo shaca ah iyo askeri la dilay, afartan iyo shan qof oo kalena ay dhaawacmeen.
Dadkii bannaanbaxayay ayaa xoog ku galay seddax kaniisad oo ay boobeen, waxay sidoo kale gubeen xarun dhaqan oo Faransiiska uu ku leeyahay magaalada Zinder.
Dibadbaxyada looga soo horjeedo sawir gacmeedkan waxa ay ka dheceen dalal badan oo caalamul Islaami ka mid ah.
Dalka Algeria, dhowr qof ayaa ku dhaawacntay kaddib markii isusoo baxayaasha ay isku dheceen booliska.
Sidoo kale waxaa mudaaharaad rabsho watay uu ku dhacay magaalada Karachi ee dalka Pakistan.