SOMALILAND:Prof. Samatar Iyo Wacdarihii Dulucda Khudbadii Uu U Jeediyay Ardayda Machadka CSI

Date:

Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah aqoonyahanada reer Somaliland ayaa shalay khudbad cilmiyeed ka hadlaysa maamul-wanaaga (Good Governance) u jeediyay Ardayada wax ka barata Machadka Shaqaalaha Dawlada ee (Civil Service Institute).

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ugu horeyn halkaasi ka jeediyey khudbadiisa, ayaa ku dheeraaday maamul-wanaaga iyo heerka uu dalku ka taagan yahay, waxaana uu sheegay in maamul-wanaagu uu yahay ku dhaqanka qawaaniinta sharci ee dalka u taalla, waxaanu yidhi “Dawlad wanaaga waxaa lagu gartaa, oo ay yihiin shuruudaha ugu waaweyni, anigu saddex ayuunbaan idin la wadaagi, kow, waxaani xalaal dhaba ma yihiin qofka Wasiirka laga dhigay si xalaal ah ma looga dhigay, Madaxweynaha si xalaal ah ma loogu doortay xilka uu hayo, ma milatari ayuu ahaa oo meesha qabsaday mise reer hebel ayuu ahaa oo meesha boobay mise dee qofkani xafiiska waxaa uu ku yimi si lagu heshiiyey oo xalaal ah.ta Labaad waa Karti, qofku shaqadan ma qaban karaa oo xalaal ma ku yimi shaqadana ma qaban karaa waan waxyaabaha ugu waaweyn ee haysta wadamada soo koraaya ee aynu inagu ka mid nahay.

Saddexaad, waa Akhlaaqda oo haddii qofku aanu akhlaaq wanaagsan lahayn dee qof muslim ah anigu uma aamin sani, waa saddexda astaamood ee dawlad wanaaga looga baahan yahay, waana saddexda ugu waaweyn oo dee waa in wadankaas oo dhan iyo magaalooyinkaasba ay jirtaa nabad galyo shakhsi ahaaneed iyo mid guud oo wadanka oo dhanba ah oo aan dee goortii la doono lagugu soo duuli karin, waxa kale oo loo baahan yahay in qawaaniintu ay yihiin kuwo loo hogaansan yahay oo aanay ahayn kuwo jeebka lagala soo baxay oo dadka qaarba marka ay doonaana ku odhanaya marka uu doonana waa uu qarinayaa, waxa kale oo weeye in la helo ka qeyb galka hanaanka dimuqraadiyada,oo ay meesha dimuqraadiyadi ka jirto dadkuna ay ka qeyb gali karaan,”Ayuu yidhi Axmed Ismaaciil Samatar.

hhhhhhhhhhhhh 16

hhhhhhhhhhhhh 17

hhhhhhhhhhhhh 18
Agaasimaha Machadka shaqaalaha dawlada Prof. Maxamed Mixile Boqore ayaa sheegay in ka maamul ahaan u mahad-celinayaan Prof: Axmed Ismaaciil Samatar, isla-markaana uu ka aqbalay inuu khubad aqooned u jeediyay Ardayada, waxaanu yidhi “Aqbalaada aan naga aqbashay in aad halkan aad noogu timaado aad iyo aad ayaanu kaaga mahad celinaynaa, Machadka maadama oo ay qeybi Jaamacad ay tahay waxa ay jecel yihiin oo aanu jecel nahay markasta oo aad timaado in aanu aad kuugu soo dhaweyno, tirada Jaamacadahana uu kuugu jiro, oo aad noo timaado oo kolba wixii hawla ah ee aqoon-kordhin ah ee aad Ardayda siinayso aad siiso khudbadaada, waana aan kuu mahad naqayaa aqbalaada aad naga aqbashay marka aan codsiga aan kuu soo gudbiyey”Ayuu yidhi Maxamed Mixile Boqore

Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dawladda Nuux Sh. Muuse Ducaale ayaa isna sheegay in Prof. Axmed Ismaaciil Samatar uu ka mid yahay aqoonyahada reer Somaliland ee hormoodka u ah aqoonta, waxaanu yidhi “Waxbarasho ama Tacliin dadka halkii u dambaysay ka gaadhay ayuu ka mid yahay Pro: Axmed Ismaaciil Samatar aqoontu ma dhamaato, laakiin dadka Somaalida Aqoonta ugu badan kuwa aynu ka filayno ayuu kow ka yahay ee aynu wax weydiin-karno, aynu ka faa’iidaysan karno ee Wadanka u dhashay weeyaan. Waxaan idinku dar-daarayaa inaad ka faa’idaysataan.”

Gaba-gabadii qaar ka mid ah Ardayada wax ka barta Machadka shaqaalaha Dawlada ayaa waxay Prof: Axmed Ismaaciil Samatar waxay weydiiyeen Su’aalo ku aadan maamul-wanaaga iyo sida ugu haboon ee ay Somaliland ula jaan-qaadi-karto dunida casirga ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...