Dagaal xoogan oo Jimcihii ku dhexmaray Waqooyiga Siiriya xoogaga Jabhatul Nusra iyo Xisbulah ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalyahano badan.
Dagaalkan ayaa ah kii ugu balaarnaa oo ay labada dhinac isaga horyimaadaan.
Maleeshiyaadka kooxda Xisbulah ee shiicada ah ee ka yimid dalka Lubnaan ayaa gacan siinaya ciidamada dowlada Bashaar Al Assad ee Siiriya.
Dagaalkii shalay ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 50 dagaalyahan oo labada dhinac ah, waxayna kusoo beegmaysaa xili xoogaga Jabhatul Nusra oo ah Al Qacida Siiriya ay isku fidiyeen dhul balaaran oo saaran xadka u dhaxeeya Lubnaan iyo Siiriya.