Somaliland:Wasiir Cukuse iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Isku Sigtay Inay Gacan Isku Qaadaan, Iskuna Maandhaafay Xadhig Uu Wasiirku Kula Kacay Guddoomiyaha Jaaliyadda Iswiidhan.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa maanta xidhay Guddoomiyaha jaaliyadda Iswiidhan (Sweden) Sakariye Xasan Caways, kadib markii uu ka soo degay Garoonka diyaaraha ee Egal International Airpot, iyadoo ay xilligaas Madaarka ku sugnaayeen Agaasimaha guud ee Warfaafinta Maxamed Cilmi iyo Mareeyaha Televishanka qaranka Khadar Cali Gaas.

Wararka kala duwan oo Shabakada caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com ka heshay ilo-wareedyo kala duwan oo qaarkood ku sugnaayeen Maddaarka Caasimadda Hargaysa markii dhacdadaasi ka socotay Garoonka, waxaanay sheegeen in markii Xubnaha waftiga uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Jaaliyadda Iswiidhan Mr Sakariye oo lagu soo dhaweeyey qolka nasashada ee Maddaarka Hargaysa, ayaa waxa
soo galay Wasiirka Warfaafinta Cukuse oo ka tuuraaya, waxaana la sheegay inuu markiiba amar ku bixiyey in la xidho Guddoomiyaha jaaliyada Iswiidhan, hase yeeshee arrintaasi waxa is hortaagay oo ka biyo diiday Agaasimaha guud isla Warfaafinta Maxamed Cilmi iyo Mareeyaha Telefishanka qaranka Khadar Cali Gaas.
Warku waxa uu intaas ku daray in Wasiirka Warfaafinta iyo Agaasimihiisa guud isku khilaafeen amarka uu Mr Cukuse doonaayey inuu ku xidho Guddoomiyaha jaaliyada Iswiidhan, hase yeeshee hadallo taag-taagan iyo dood si kulul la isku waydaarsaday, dabadeed waxa uu Wasiir Cukuse ku guulaystay inuu Xabsiga dhigo Guddoomiyaha Jaaliyadda reer Somaliland ee Iswiidhan Mr Sakariye Xasan Caways, waxaana la sheegay in Wasiirka iyo Guddoomiyuhu uu khilaafkoodu ka dhashay safar uu Wasiirka Warfaafintu uu dhawaan ku tagay Caasimadda Iswiidhan ee Stockholm, kadib markii uu Wasiirka u sakhiray, isla markaana uu u sheegay inuu u diyaariyey fiisihii dal soo galka ahaa, balse Wasiir Cukuse ayaa markii uu soo gaadhay Iswiidhan ayaa wakhti aan sidaa u badnayn la xidhay, hase ahaatee jaaliyada reer Somaliland ee dalka Swiidhan ayaa dedaal badan oo ay sameeyeen ku soo furdaamiyey arrintaasi, taasoo keentay in Wasiir Cukusena uu ka cadhooday, balse waxa uu la sugaayey meel uu talaabo kaga qaadi karo.
Xigasho Hadhwanaag.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...