SOMALIA: Siyaasiyiin Muqdisho uga dhawaaqay Madasha Midnimada & Dimuquradiyada

Date:

Isbaheysigan cusub ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano, siyaasiyiin iyo xisbiyo horey uga jiray magaalada Muqdisho.

Kulanka isbaheysigan looga dhawaaqay ayaa laga akhriyey Bayaanka ay soo saareen siyaasiyiinta isbaheysigan dhisay.

Ujeedooyinka isbaheysiga ugu weyn waa horseedidda isbeddel dimoqraadi ah oo ka hanaqaada dalkeenna; ka hortagga dhaqanka kali-talisnimada ku saleysan xukun- iyo hanti-boobka iyo kala qaybinta shacbigeenna; ka dhabeynta maamul-wanaagga iyo dhaqangelinta hannaan dhaqan-dhaqaale oo xaqiijiya daryeelka iyo horumarka shacbigeenna. Waxay madashaan ka shaqeyndoontaa oo aan ku mideysannahay:, ayaa lagu yiri warsaxafadeedkan.

Hoose ka akhriso Bayaanka oo dhameystiran, kana daawo Sawiradda:

WAR-SAXAAFADEED

MADASHA MIDNIMADA IYO DIMOQRAADIYADA OO LAGU DHAWAAQAY

Muqdisho, Janaayo 5, 2014: Annaga oo ah saxiixayaasha bayaanka (manifestada) lagu assaasay Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada, kana kooban xildhibaanno (No….), siyaasiyiin (….), xisbiyo (….) iyo madalo siyaasadeed (….), waxaan shacbiga Somaaliyeed usoo bandhigeynaa dhaqan cusub ee siyaasadeed oo aan ku saleysneyn qabiilnimo, saldhigeedu yahay isbaheysi siyaasadeed oo ballaaran, una furan dhammaan muwaadiniinta Somaaliyeed. Waxaa kale oo isbaheysigaan u furanyahy, mudnaan gaar ahna siinayaa dhallinyarada iyo ururradooda isbedel-doonka ah.

Ujeedooyinka isbaheysiga ugu weyn waa horseedidda isbeddel dimoqraadi ah oo ka hanaqaada dalkeenna; ka hortagga dhaqanka kali-talisnimada ku saleysan xukun- iyo hanti-boobka iyo kala qaybinta shacbigeenna; ka dhabeynta maamul-wanaagga iyo dhaqangelinta hannaan dhaqan-dhaqaale oo xaqiijiya daryeelka iyo horumarka shacbigeenna. Waxay madashaan ka shaqeyndoontaa oo aan ku mideysannahay:

1. Ku dhaqanka sarreynta qaanuunka, Dastuurka iyo sinnaanta muwaadiniinta
2. Dhawridda iyo horumarinta xuquuqda insaanka iyo karaamadiisa
3. Dib-u-heshiisiinta dadkeenna iyo soo celinta xuquuqdooda
4. Xaqiijinta dimoqraadiyadda iyo kaqaybgalka siyaasadda Higsiga 2016
5. Horumarinta maamul-wanaagga iyo ka hortagga musuqmaasuqa
6. Soo celinta nidaamka kala danbeynta, amniga dalka iyo dadka.
7. Horumarinta dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo bii’addeena
8. Soo celinta sharafta, karaamada iyo magaca Soomaliyeed

Bayaan-Madasha-Muqdisho-05012015-1-538x740 Bayaan-Madasha-Muqdisho-05012015-2-538x740 Bayaan-Madasha-Muqdisho-05012015-3-538x740

Saxiixayaasha bayaanka waxey sameyndoonaan hoggaan iyo qorshe-hawleedka madasha si loo xaqiijiyo himilada iyo barnaamijyada. Madashu waxey ugu baaqeysaa xisbiyada, siyaasiyiinta iyo madalada siyaasadeed iney kusoo biiraan isbaheysigaan ballaaran oo horseedaya midnimada xoogagga siyaasadeed ee Soomaaliya. Ugu danbeyntii, madashu waxey Ilaahey ka baryeysaa inuu tubta toosan tusiyo, tawfiiqdana waafajiyo.

Dhammaad.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...