SOMALIA: Ciidamada Puntland iyo Shabaab oo ku dagaalamay buuraha Golis

Date:

Wararka kasoo baxaya magaalada Galgala ee gobalka Bari ayaa sheegaya in Isniintii galinkii danbe inuu dagaal ku dhexmaray buuraleyda Golis cutubyo kamid ah ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka Al Shabaab.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu socday muddo saacad kudhaw walow aan weli faah faahin laga bixin khasaaraha ka dhashay.

Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in ay jirto dhimasho iyo dhaawac labada garab soo kala gaaray.

Ciidamada Dowlada Puntland ayaa dhamaadkii sanadkii tagay kooxda Al Shabaab ka saaray xaruntoodii ugu weyneyd oo ay ku lahaayeen deegaanka Galgala oo ku taal dhul buuraley ah.

Waxaa weli kasocda qeybo kamid ah buuraleyda Golis hawlgalada ay ciidamada Puntland sheegeen inay ku baadi goobayaan maleeshiyaadkii Al Shabaab ee horey uga baxay Galgala iyo waliba hogaankooda oo la sheegay inuu ku dhuumaaleysanayo deegaankaasi.

Source: Horseed Media

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...