Somalia: Xarakada Ururka Al Shabaab Oo Wadaad Tabliiq Ah Maanta Ku Gawracday Meel U Dhaw Magaalada Baled Weyn Ee Wadanka Soomaaliya.

Sida ay sheegeen dad ku sugan Magaalada Baled-weyne ee caasimada Gobolka Hiiraan ee dawlada Soomaaliya ee xarunta u ah Ururka Xarakada Al-shabab ayaa laga soo wariyay inay halkaasi Masuuliyiinta Alshabaab ku gowraceen Nin wadaada ooTabliiqi ah kana mid ahaa oo ku sugnaa Deegaanka hoostaga Maamulka Baled-weyne.

sidaa

Weli Si faah faahsan looma sheegin sababta Shabaabku ay qoorta uga gooyeen Wadaadkan waxaase arintan ay cabsi ku abuurtay Tabliiq badan oo hadda Baladweyne ku sugan.
Al Shabaab ayaa jooga duleedka Magaalada Baladweyne iyadoo dhowr jeer oo horena dilal ugeystay dad ay ku sheegeen in ay ka soo horjeedaan fikradooda iyo mabaadiida ay aaminsan yihiin ee duurka galisay.
Culimada Tabliiqa ayaa ah fariin gudbiyeyaal diinta Islaamka faafiya waxaana dilka wadaadkan iyaga ka mid ahaa si weyn ucambaareynaya Bulshada Somaliyeed ee Warkan maqlay.

Comments

comments