Somalia: Magaalada Muqdisho Oo Lagu Soo Bandhigay Nin La Sheegay In Laga Helay Ebola, Oo Markii Dambe Ay Waxba Kama Jiraan Noqotay.

Date:

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay nin lagu magacaabo C/qaadir Jiinow Barrow, kaasoo la sheegay in lagu arkay amaba laga helay astaamaha cudurka khatarta badan ee Ebola.

Warbaahinta Magaalada Muqdisho qaarkood, ayaa lagu eedeeyay in Jimcihii ay baahiyeen warkaasi, inkastoo Warbaahintu ka soo xiganeyso qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

C/qaadir Jiinow Barrow, ayaa waxa uu ka soo laabtay dalka Guinea toddobaadkii hore, isagoona dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, balse wuxuu ka mid yahay ganacsatada Degmada Wanlaweyn, halkaasi ayuuna degan yahay.

Sii Haayaha Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliya Cali Maxamed Maxamuud (Cali Xareed), oo Saxaafada la hadlay, ayaa wuxuu sheegay in baaritaano badan ay ku sameeyeen ninkaasi, ayna ogaadeen in xaaladiisu ay tahay mid caadi ah, isla-markaana aynaan ka helin astaamaha lagu garto Ebolaha.

Ku Simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliya Dr. C/laahi Sheekh Cumar, ayaa wuxuu ku waramaaya in si rasmi ah ay u xaqiijinayaan inaanu C/qaadir Jiinow Barrow qabin calaamadaha lagu aqoonsado Ebola.

C/qaadir oo ka barbar hadlaayay xubnahaasi, ayaa wuxuu sheegay in warka been abuurka uu ka fidiyay nin kula nool Degmada Wanlaweyn, kaasoo uu sheegay in uu u diiday lacago uu soo weydiistay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...