Muhaajiriin la geeyay dalka Taliyaaniga

Date:

Markab ay ka carareen shaqaalihii la socday oo ayna saaran yihiin 450 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku xirtay dekadda Taliyaaniga ee Corigliano Calabro, sidaasi waxaa sheegay ilaalada xeebaha.

Kooxaha badbaadada ayaa howshan bilaabay kaddib markii qof markabka oo nooc ganacsi ah saarnaa uu diray qeylo-dhaan xilligaas oo ay ku sugnaayeen meel ka yara durugsan xeebaha Taliyaaniga.

Markabka oo uu ku xiran yahay calanka dalka Sierra Leone, ayaa dabka uu ka tagay xilli habeennimo ah oo uu marayay gudaha badda.

Francesco Perrotti waa taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Corigliano Calabro, ee koofurta Taliyaaniga. Waxa uu sheegay in dhacdooyiinkii ugu dambeeyay ay muujinayaan in dad wax tahriibiyaa inay billaabeen isticmaalka farsamooyiin cusub oo ay ku safriyaan dadka ka soo cararaya goobaha dagaallada iyo dhibaatooyiinka ay ka jiraan.

David Osler, oo ah tafatiraha wargeys wax ka qora arrimaha maraakiibta iyo warshadaha ayaa BBC-da u sheegay inaysan suuragal ahayn in la joojiyo tahriibiyayaasha. Waxa uuna tilmaamay in shuruuckastoo la sameeyo ay jebindoonaan dadka arrimahan ka shaqeeya.

Qiyaastii 796 qof oo muhaajiriin ah ayaa laga soo badbaadiyay Markab kale oo la helay asigoo ay ka carareen shaqaalihii la socday horraantii isbuucaan.

Afhayeen u hadlay hay’adda caalamiga ah ee dadka soogalootiga ah ee IOM ayaa sheegay in dadka tahriibinta ka shaqeeya ay billaabeen isticmaalka marin cusub oo isku xiraya Turkiga iyo Yurub.

Waxa uu intaas ku daray in muhaajiriinta laga qaato lacago badan, loogana tago bartamaha badda.

Source: BBC Somali

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...