Somaliland: Madaxweynaha oo tacsi u diray Suxufi Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday Dalka Kenya 29/12/2014

Date:

Madaxweynaha oo tacsi u diray Suxufi Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday Dalka Kenya
29/12/2014-TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada Somaliland, Ururka suxufiyiinta ee Solja iyo Wargeyskii uu ka tirsanaa ee Saxafi.
Sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ku geeriyooday Nairobi-Kenya 29/12/2014, loona geeyey xaalad caafimaad ka dib dhaawac ka soo gaadhay shil baabuur.

 Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay inuu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha dhaqaajinta iyo hirgelinta saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland, muddo dheerna waxa uu ka mid ahaa hogaanka ururka saxaafada Somaliland ee Solja.
 Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Ubadkii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...