Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qeyb-galay Aaskii Marxuum-Jaamac Haybe

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka qayb-galay aas qaran oo loo sameeyay Alle ha u naxariistee marxuum Jaamac Haybe Maxamed oo ka mid ahaa halgamayaaashii doorka weyn ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta dalka.
Marxuum Jaamac Haybe Maxamed oo lagu aasay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, guddoomiye ku xigeenka xisbigaas iyo xubno ka mida golaha wasiirrada iyo dadweyne aad u tiro badan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa marxuumka Illaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, waxaana uu tacsi u diray qosykii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuumku, waxaanu yidhi “Marxuumka Jaamac Haybe Illaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, ehelkii iyo qoyskii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ha ka siiyo, shakhsi aad u wanaagsan ayuu ahaa oo wadaniya oo adkaysi badan lahaa, markaa waxaan leeyahay Illaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ha ka siiyo.”

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna waxa uu tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday marxuumku, waxaana uu tilmaamay inuu ahaa marxuum halgamaa, waxaanu yidhi “Waxaanu joognaa aaskii marxuum Jaamac Haybe oo ahaa oday weyn oo halgamaa ah, Illaahay ha u naxariisto, ehelkii iyo qaraabadiisiina samir iyo iimaan ha inaga siiyo, Qaranka Somaliland samir iyo iimaan ha ka siiyo.”

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa qoyskii iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum-Jaamac Haybe oo ay sheegeen inuu ahaa muwaadin dalkiisa jecel oo u soo halgamay dib u xorayntii dalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...