Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Iyo Ujeedada Socdaalkiisa Magaaladda Bebera

Date:

Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed  Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa shalay galab booqasho ku tagay  magaalo xeebeeda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Waxa la soo weriyay in booqashada madaxweyne Siilaanyo ee Berbera ay tahay mid gaar ah isla markaana ay ku weheliyaan marwada koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo xubno kale oo qoyskiisa ka mid ah. warku waxa uu intaas ku daray inay madaxweynaha ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.

Inkasta oo aan la sheegin mudada uu madaxweynuhu halkaasi joogi doono, hase yeeshee waxa la sheegay in mudada uu joogo uu kulamo la yeelan doono maamulka gobolka, ka degmadda iyo laamaha kala duwan ee gobolka Saaxil.

Waxa kale oo la sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu furi xadhiga ka jari doono mashruuc lagu balaadhinayay marsadda Berbera, oo laga  maal-geliyay  qasnada dawladda  Somaliland.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...