Somaliland: Golaha Wakiiladda Oo Cod Aqlibiyad Ah Ku Meel Mariyay Xeerka Xabsiyada Somaliland

Date:

olaha Wakiilada Somaliland Ayaa Waxaa Ay Maanta Cod Aqlabiyad Leh Ku Meel Mariyeen Xeerka Xabsiyada Somaliland.

Xeerkan Ayaa Ay Golaha Wakiiladu Hor U Ansixiyeen Balse Mudanayaasha Golaha Guurtida Ayaa Waxaa AY Ku Soo Sameeyeen Kaabis Iyo Wax Ka Bedel.

Inta Badan Xeerkan Ay Maanta Mudanaashu Ansixiyeen Isla Markaana Lagu Sameeyey Kaabista Iyo Wax Ka Bedelka Ayaa Waxaa Uu Hoos U Dhigayaa Awooda Maamul Ee Wasiirka Cadaaladu Ku Leeyahay Xabsiyada Somaliland Waxana Taas Bedelkeeda Uu Awooda Buuxda Siinayaa Taliyaha Ciidanka Iyo Taliyaha Xabsiga Uu Ku Xidhan Yahay Maxbuusku.
Waxaana Fadhigii Saaka Ee Golaha Wakiilada Shir Gudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro Oo Ay Hareero Fadhiyaan Labadiisa Gudoomiye Ku Xigeen.

Waxaa Ka Mid Ahaa Qodabadii Wax Ka Bedelka Ay Ku Soo Sameeyeen Mudanaysha Golaha Guurtidu Kuwan.

1. Sidii Hore Ee Golaha Wakiiladu Ku Ansixiyeen .

Wasiirka Cadaalada Ayaa Magacaabaya Gudiyada Iyo Kormeerayaasha Sii Deenta Shuruudeysan .

1. Waxaa Loo Bedelay

Taliyaha Ciidanka Ayaa Magacaabaya Gudiyada Iyo Kormeerayaasha Sii Deenta Shuruudeysan .

2. Sidii Hore Ee Golaha Wakiiladu Ku Ansixiyeen .

Yadoo Oo aan Laga Hor Imaneen Nuxurka Qodobka 144 Ee Xeerka Ciqabta Guud Cafiska Iyo Samaxaada Waxaa Si faah Faahsan Loogu Nidaamin Doona Xeer nidaamiyaha Xeerkan

2. Waxaa Loo Bedelay

Cafiska Iyo Samaxaada Waaa Iska Leh Madaxweynaha Somaliland

3. Sidii Hore Ee Golaha Wakiiladu Ku Ansixiyeen .

Hadii Qod Maxbuus Ah Oo Bilaa Ehel AHi Ku Dhinto Jeelka Waxaa Aasaya Ciidanka Xabsiga .

4. Waxaa Loo Bedelay

Hadii Qod Maxbuus Ah Oo Bilaa Ehel AHi Ku Dhinto Jeelka Waxaa Aasaya Ciidanka Xabsiga Ka Dib Markay Helan Warqada Xeer Ilaaliyaha Guud.

Fadhiga Ay Mudanaayshu Ku Meel Mariyeen Xeerkan Ayaa Waxaa Ka Soo Xaadiray 47 Mudane .

Waxaa Ogalaaday Xeerkan 42 Mudane Waxana Diiday 1 Mudane Halka 4 Mudane Ka Aamuseen Gudoomiyuhuna Muu Codeyn Sidaasna Waxaa Ku Meel Maray Xeerka Xabsiyada Somaliland .

Si Kastaba Ha Ahtee Xeerkan AY Maanta Ansixiyeen Golaha Wakiiladu Ayaa Waxaa Uu Ahaa Mid Baahi Weyn Loo Qabay .

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...