Taliyaha ciidanka Dowladda Federaalka ee ku sugan Ceel Waaq gobolka Gedo Col. Cabbaas Ibraahim Gurey ayaa VOA u sheegey in ay ka warheleen Sarkaal sare oo ka tirsan al-Shabaab in uu ku dhuumanayo guri ku yaala magaalada, weerar ayaan ku qadney waana qabaney ayuu yiri, waxaana sarkaalkaasi noqdey Sakariye Ismaaciil Xirsi oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee al-Shabaab, waxaana uu ka mid ahaa saraakiisha Maraykanku ay sheegeen in ay ku bixinayaan abaal marinta haddii warkooda loo soo gudbiyo ama la dilo, abaal-marinta ayaa gareysey $3 milyan oo dollar.
Sarkaal kale oo u hadley ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa warbaahinta Dowladda u xaqiijiyey in Sakariye Maxamuud Xirsi uu isu dhiibey Dowladda Federaalka oo ay ahayd mid iskiis ah isaga iyo dareewalkiisana ay ahaayeen.
Sakariye Ismaaciil oo la hadlay idaacadda VOA ayaa sheegay inuu hore uga tirsanaa ururka al-Shabab balse uu ururka ka tagay 18 bilood ka hor.
Waxa uu beeniyey inuu marna soo qabtay madaxa sirdoonka ee ururka Al-Shabab, waxaase uu sheegay inuu soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid tahay madaxa wilaayaadka Gobollada iyo mid ka mid ah Taliyayaasha Ciidanka Al-Shabab.