Samaale Siyaasi Aan Godob Lahayn!! Qormadii(1)

Date:

Wasiirka maaliyada somaliland oo ugu horayn ahaa gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee golaha wakiilada Somaliland, Cabdi casiis maxamad samaale waa siyaasi aan godob lahayn waana siyaasi waxqabad muuqda qabtay,Waana siyaasi kaalin mug leh oo muuqata ka qaatay ku caanbaxyay naf iyo maal inuu soo baxo xisbiga talada maanta haya ee kulmiye .

sababna u ahaa inay beelwaynta sacad muuse kulmiye garab istaagto,Maantana waxa la odhan karaa waa udub dhexaadka dawlada waxaana uu hirgaliyay waxbadan oo ka mida balan qaadaydii uu balan qaaday xisbiga kulmiye xiligii lagu jiray ololaha doorohooynka.

intaa kadibHadaynu qormada hoos ugu daan dagno waxa muujinaya godob la’anta samale iyo waxqabadkiisa arimahan hoos ku xusan:

1-Hadfaynu dib u milcsano taariikhda xiligii uu socday tartankii xubnaha golaha wakiilada Somaliland Iyo waliba mudanayaashii tartamayay iyo codadkay kala heleen iyo goobahay kaheleen, SAMAALE wax uu ahaa mudanihii codad tiro badan ka helay dhamaan gobalada somaaliland bari ilaa galbeed.

Arintaasi waa arin muujinaysa ama cadaynaysa godob la’anta samaale iyo sida uu miisaanka ugu leyahay bulshada soomaaliland !waayo waa arin aad u adag in nin siyaasiyii uu codad tiro badan kahelo beelo kala duwan waana arinta keentay inuu manta kalsooni ku qabo inuu ka dhextartamo xisbiga kulmiye.

warwar iyo cabsiyana kahayn golaha dhexe ee aay ku dhan yihiin beelaha soomaaliland in laga tartamo waxayna muu jinaysaa godob laa’nta samaale.

Halka raga kula jira tartanka aay ka waji dadbayaan in laga tartamo golaha dhexe dhexdiisa waxana layidhi timir lafbaa ku jirta.

2-Waxa kale oo muujinaya godob la’anta samaale iyo kalsoonida uu kuqabo inuuna wax cabsiya

kaqabin in uu ka dhextartamo golaha dhexe ee aay ku dhanyihiin beelaha somaaliland .

Dhanka kale markaad eegto siyaasiinta qaar raba inay la tartamaan siyaasiga aanay beelaha soomaliland

Wax godaba uhayn haba yaraatee ayay waxay isku a jabiyeen in aay beelwaynta aay ka soo jeedaan ee sacad muuse ku qanciyaan iskuna haawlaan dhaqaale badana ku bixiyaan in la kala reebo si aan tartan uga dhicin golaha dhexe ee beelha somaalilaand ku dhan yihiin waayo siyaasi aan godob lahayn iyo “NIN AY GODOBI GARBA DUUBTAY” gole beeluhu kudhanyihiin kama dhextartami karaan!!

Gunaanad :

Waxaan kusoo gunaanadayaa qormadan oo hordhac unoqon doonta qoormooyin kale oo lamagac baxay

Samaale siyaasi aan godob lahayn!!!

Qofkii ku eega indho caafimaad qaba oo kamadhan xaasidnimo iyo caadifad .

wasiir samaale Inta uu hayay xilka wasaarada maaliyada qofka caafimaadka qabaa wuu dareemi karaa wax qabadka aan la dafiri Karin ee uu qabtay iyo waliba sida aay iskugu dheeli tiran yihiin shaqaalaha waasaarsa maaliyada

Waxaan kusoo gunaanadayaa Dunidani Gun waynaa,

Maxay inan Gumeediyo

Geed Xuniyo Qof Haysaa-

Maxay Godob Laawe iyo

Guurti iyo Dad Haysaa

Marna Gacan ku Dhiiglaha

Gafka Libinta Moodiyo

Ma Gabade Xishood Dhigay

Gurcudiyo Dam Haysaa!

Sidoo kale waxaan leeyahay qolyha dhibsada marka laga waramayo waxqabadka cabdi casiis samaale>>

وليس يصح في الاذهان شيء :: اذاحتاج النهار الي دليل waxqabadka cabdi casiis samaale uma baahna cadayn siday maalintu ucadahay ayay umuuqdaan: LASOCO _

Waa Qalinkii C/wahaab Maxamad Mawliid

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...