ISIS oo soo riday Diyaarad Dagaal, Duuliyihiina nolol ku qabatay!

Date:

Xoogaga ISIS ee ka dagaalamaya deegaanka Al Raqqa ee waqooyiga Siiriya ayaa la sheegay inay soo rideen mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee xulafada Maraykanka.

Wararka hada soo baxaya ayaa sheegaya in Diyaaradan laga leeyahay wadanka Jordan (Urdun) oo kamid ah dalalka xulafada kula ah Maraykanka duqeynta lagu wado kooxda ISIS ee Siiriya iyo Ciraaq.

ADVERTISEMENTS

Qaar kamid ah goobaha Internetka ee lagu taageero kooxda ISIS ayaa lagu soo bandhigay sawirka duuliyihiin diyaaradaasi oo nool isla markaana ay gacanta ku dhigeen dagaalyahanada ISIS.

Dowlada Jordan ayaan weli ka hadlin diyaarada la sheegay in maanta oo Arbaca ah looga soo riday wadanka Siiriya.

Maaha markii ugu horeysay oo diyaaradaha ka qeyb qaadanaya duqeynta ISIS ay soo dhacaan waxaa horey uga dhintay Maraykanka mid kamid ah duuliyayaashooda diyaaradaha F16 oo la sheegay inay la dhacday diyaaradiisa kadib wax lagu sheegay cilad farsamo.

Balse kooxda ISIS ayaa marar hore internetka ku baahiyey in ay horey usoo rideen diyaarado kala duwan oo ay leeyihiin dowladaha uu Maraykanka hogaaminayo, walow warbixinadaasi hore aan loo heyn wax xaqiijiya.

Source: Horseed Media

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...