Shirkada Dahabshiil oo Gurmadkii Abaaraha ee Gedo gaarsiisay deeq lacageed

Date:

Shirkadda Dahabshiil ayaa noqotay ganacsatadii ugu horraysay ee ka jawaabtay baaqii gudiga Abaaraha ee Gedo, iyadoo ugu deeqday lacag dhan $ 50,000 konton kun dollar.

Sida ay odayaasha deegaanku u sheegeen Jowhar.com isla markaasna ay uga mahad celiyeen shirkaddan oo mar walba shacabka Soomaliyeed la qaybsata dhibta, sida Fatahaadda wabiyada, abaaraha, xanuunada dilaaga gurmadkooda, isla markaasna waxay gacan ka geystaan dhinaca horumarinta bulshada sida dhiska isbitaalada, Iskuulada.

Deegaanada Gobolka Gedo ee abaaruhu ku dhifteen ayaa mudooyinkii u dambeeyay laga soo sheegayay xaalado bani’aadanimo, iyadoo ay u dheer tahay biyo la’aan, dad dhowr ah ayaa u geeriyooday haraad.

Gudiga Abaaraha ee Gobolka Gedo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo jaaliyadaha dibada inay ka qeyb qaataan gurmadkan loo fidinayo dadka ku dhaqan deegaanada Gedo ee ay abaaruhu saameeyeen

Tallaabadan ay qaaday Shirkada Dahabshiil ayaa laga rabaa in Ganacsatada kalena ay u naxaan shacabkooda, oo gacan dhaqso ah u fidiyaan ummadda gaajada iyo oonka ugu dhamaanaysa gobolada abaaruhu aafeeyeen oo ay ugu daran tahay Gobolka Gedo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...