Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Miisaaniyad Sanadeedka 2015-ka

Date:

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sheegay in Mashaariic horumarineed ku jirto Miisaaniyadda sanadka 2015-ka oo dhawaan golaha wakiiladu ansixiyey.

“Golaha Wasiirradu waxay ansixiyeen miisaaniyadda sannadka 2015, waxana ku jira mashaariic dhinaca horumarka ah, dhismayaasha waddooyinka, adeegyada caafimaadka iyo Doorashooyinka dhamaantoodba way ku jiraan” ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku yidhi qoraal uu ku baahiyey Boggiisa Twitter-ka.

Odoros Miisaaniyadeedka 2015 ayaa sida uu dhawaan sheegay Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale waxay  dhan tahay $251,300,000 doollar (laba boqol, konton iyo kow milyan, saddex boqol oo kun), waxaanay u kala baxaysaa saddex qaybood oo kala ah; $180 milyan oo miisaaniyadda dawladda dhexe ah, $27 milyan oo dawladaha hoose ah iyo $29 milyan oo ah miisaaniyadda hay’adaha madaxbannaan, kuwaasoo ay ku jirto lacag dhan $14 milyan oo deeqaha Somaliland hesho ah.

Golaha wakiilada ayaa dhawaan loo gudbin doonaa Miisaaniyadda si ay uga doodaan islamarkaana u ansixiyaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...