Madaxweyne Ku xigeenka Oo Shacbiga Salaadii Jimcaha Kula Tukaday masaajidka Xawaadle

Date:

Hargeisa (Wargane News)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay salaadii jimcaha waxa uu dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa kula tukaday masaajidka Quba ee xaafadda Xawaadle ee Magaaladda Hargeysa.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo aan wadan wax ilaalo ahi waxa salaadii jimcaha ka dib gacan qaadayay dadweyne tiro badan oo ka mid ah dadweynihii ku tukanayay masaajidkaasi.

Imaamka Masaajidka Sh. Aadan Xaaji Muxumed Xiiray (Aadan Siirro) ayaa khudbadii Salaada Jimcaha waxa uu tafaasiil kaga bixiyay sida diinta islaamku u waajibisay bixinta sakadda oo ah taar dhaqaale oo kor loogu soo qaadayo nolasha dadka masaakiinta ah, waxaanu dadweynaha ku guubaabiyay inay maalkooda ka bixiyaan qadarka sakadda ee ku waajibtay.

Tallaabadda madaxda sare ee qaranku ay shacbiga kula tukanayaan masaajidada iyagoo aanay la socon wax ilaalo ahi waxay ka turjumaysaa nabad-gelyadda cagaha adag ku taagan ee ka jirta Somaliland.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...