War-saxaafadeed Ay Soo saareen Xisbiga Kulmiye Lantiisa UK Kaas Oo Ku Saabsan Khilaafka Hadheeyey Xisbiga KULMIYE

Date:

Tan iyo ka soo gudubkii uu xisbiga Kulmiye ka soo gudbay, marxaladdii koowaad ee ururnimada, una soo gudbay Xisbi qarameedka, waxa maalinba maalinta ka danbaysa uu xisbigu ahaa, mid kasbada tageero weyn oo uu ka helo, dadweynaha reer Somaliland gudo iyo debedda.

Hanashadaa taageerada dadweynuhuna waa ta keentay; in xisbiga kulmiye guulo waaweyn ka soo hooyo doorashooyinkii deegaanka, tii golaha wakiilada iyo tii madaxtinimada ee uu xisbigu kaga guulastay labadii xisbi ee Ucid iyo Udub oo weliba ahayd xisbul xaakimka. Guuulahaasi waxay ahaayeen kuwo ku yimid, dadaalka madaxda xisbiga iyo taageerayaashooda, oo guntiga dhiisha isaga dhigay, xisbigana ka dhigay mid maalinba maalinta ka danbsa usii siqa dhinaca guuusha. Guulahaasi faraha badan ee xisbigu gaadhay waxaa sababa u ahaa wada tashiga madaxda xisbiga, laamaha xisbiga iyo weliba xidhiidhkii dhawaa ee xisbigu la lahaa taageerayashisa gudo iyo debedba. Ku dhaqanka shuruucda xisbiga kulmiye iyo ixtiraamka madaxda xisbiga dhexdooda, ayay ahayd tii xisbigu uu kaga soo gudbay, marxalado badan oo qalafsan iyo dagaal culus oo uu ku hayey, xisbigii Udub oo talada dalka markaa hayey. Waxaa arrin adag ku noqday taageerayashii xisbiga kulmiye iyo madaxdii xisbiga kulmiye ee UK, muranka iyo khilafka xoogan ee ka dhex curtay madaxda xisbiga iyo xukuumadda. Sidaasi aawadeedna; hogaanka xisbiga Kulmiye ee UK, wuxuu xukuumadda iyo xisbigaba ugu baaqayaa oo si aad ahna uga codsanayaa: 1- Ilaalinta wada jirka xisbiga. 2- Ku dhaqanka sharciga xisbiga. 3- Xal u helidda khilaaf kasta oo xisbiga ka dhex curta. 4- Xalinta khilaafaadka oo loo maro, wada hadal iyo in laysasoo hor fadiisto. 3-Ilalinta karamada iyo sharafta xisbiga. Xallinta khilaafa xisbiga Kulmiye iyo xallin la’aantiisu, waxay noqon doontaa mid lagu qiimeeyo xisbiga iyo xukuumaddiisaba. Markaa waa arrin u baahan in si wadjir iyo isku-duubnaan ah wax lagaga qabto ta manta jirta iyo mid mustaqbalka timaadaba. Waxa kale oo aanu aad iyo aad uga codsanaynaa bahda saxaafadda iyo shakhsiyaadka wax qoraba in ay tixgeliyaan hawsha balaadhan ee ay Guurtida Qaranku kaga jirto xalinta khilaafka soo kala dhex-galay Xisbiga Kulmiye oo ay joojiyaan waxyaalaha sii kala fogeeyn kara, kaalin waxtar lehna ka qaataan hawshaa ay ku jiro Guurtidu. Bahda saxaafada waxaanu xasuusinaynaa masuuliyadsaaran ee ah inay danta dalka iyo qaranka ka ilaaliyaan wixii dildilaac ku keenaya dhinacooda. Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Uk. Xariir Xisri Adar. Khasnajiga xisbiga Kulmiye UK. C/rasaaq Ibrahim Koshin. Xidhiidhiyaha laamaha Kulmiye Uk. Maxamed Cabdi Adan. Wabillaahi Tawfiiq.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...