Hargaysa (Wargane News) – Shirkadda Adeega Isgaadhsiinta ee Somtel ayaa si rasmi ah ugu guulaysatay inay ka hirgaliso Gobolka Sanaag Dhagaysiga Idaacada Radio Hargaysa FM ahaan, Iyada oo Isticmaalaysa Tignoolajiga Casriga ah, sidoo kalena qorshaysatay inay ka wada hir-galiso dhamaan Gobollada Somaliland Adeegan oo kale.
Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir ayaa, Shirkada Isgaadhsiinta Somtel ku maamuusey shahaado sharaf doorka ay ka qaadatey Shirkadu baahinta idaacada iyadoo uga faa,ideyneysa tiknoolajiyada casriga ah Waxaanu Wasiirku u qabtey Munaasibad kooban oo ay kaga gudoomeen shahadadaasi Masuuliyiinta maamulka Shirkada Somtel iyo martisharaf kale.
Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo ah madaxa xidhiidhka Dadwaynaha ee Shirkada Somtel oo Shahaado sharaftaas ka Gudoomay Wasiir/Kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta ayaa isaguna dhankiisa ugu mahad celiyay Wasaarada wada shaqaynta fiican ee ka dhaxaysa wuxuuna balan qaaday, Mr Khadar in ay Shirkad ahaan(Somtel) dhamaan Gobolada Somaliland gaadhsiin donaan, qorshahan ay baahinta Idaacada Radio Hargeysa oo FM lagu dhageysan karo madaama Gobolkii u horeyay ee Sanaag ay hada soo dhamaystireen.
Wxaanu u sigaar ah ugu mahad celiyay Khadar Cabdiraxmaan Madaxa xidhiidhka Dadweynaha Shirkada Somtel cidkasta oo hawshaas la fududaysay sida farsamayaqaanadii Somtel iyo kuwii howlwadeenadii Wasaarada Warfaafinta ee iska kaashadey howshan kuna guulaystay in Radio Hargeysa oo FM ah ay gaadhsiiyaan Gobolka ugu fog somaliand ee Sanaag.
Waxa kale oo Munaasibadan Wasaarada Warfaafintu ku gudoonsiisay Shirkada Somtel Shahaado sharafta goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Maxamed Cilmi iyo masuuliyiin kale.