Faallo; Siilaanyo Iyo Muuse Keebaa Todobaadka Soosocda Salaanka Laga Tuuri Doonaa?

Date:

Mar kale ayaa Khilaafka Xisbiga Kulmiye uu Cirka isusii shareeray isaga oo  Xisbi Xaakimkii Kulmiye uu laba garab u kala jabay kadib markii  Shirguddoonkii Shirweynihii Sadexaad ee Xisbiga  Kulmiye ay soo saareen Liiska Guddida Fulinta iyo Golaha dhexe,

Taasi oo ay siwayn uga biyo diideen Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye oo ay hormaad ka yihiin Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo G/Xigeenka Xisbiga Maxamed Kaahin Axmed iyo Xoghayaha Xisbiga Xasan Siciid iyo Xubno kale oo gacan saar lalahaa Hogaanka Sare ee Xisbiga,taasi oo keentay in Khilaafkii sii Xoogaysto ayna labada dhinacba bilaabaan talaabooyin iyo olole midba midka kale uu ku curyaaminayo isaga oo Gudoomiye Muuse Biixi soo saaray Liis Guddi Fulineed ah oo  uu ka hor gaynayo Liiskii ay Shir Gudoonkii hore Soosaareen  kaasi oo uu ka tagay Madaxwayne Siilaanyo iyo Xubno kale oo muhiim ah oo ka mid ah garabka taabacsan Madaxwayne Siilaanyo, Taabadalkeeda  Waxa shir  Jaraa’d oo loogu jawaabayo qabtay Koox uu hor kacaayo Madaxwayne Kuxigeenka JSL C/raxmaan Saylici  Kooxdaasi oo uu kamid ahaa Xoghaye Xasan Siciid oo maalmo ka horena lasafnaa Garabka Gudoomiye Muuse Biixi islamarkaana eedo kulul Saxaafada u marinayay Shirgudoonkii Shirwaynihii Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye ee soo saaray  Liiska Guddida Fulinta iyo Golaha Dhexe, ayaa sidoo kalena Iclaamiyay Xubihiii Golaha dhexe ee uu Maalintii hore ku sheegay Qayru sharciga in ay kasoo Qayb galaan Shirka ay yeelan Doono 01/06/2014, sidoo kalena  Laba iyo toban ka mid ah Liiskii Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi u magacawday guddida Fulinta ayaa war-saxaafadeed ay ku saxeexan yihiin oo ay warbaahinta soo gaadhsiiyeen  ku Caddeeyey in aanay Guddidaas ka mid ahayn, isla markaana ay ku qanacsan yihiin Guddida ay magacaabeen Shirguddoonkii Shirweynihii Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye, Iyada oo noqonaysa Markii Labaad Oo Xubno Taabacsanaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi in Ay uga Diga Rogtaan Garabka Kale Ee Ay Is Hayaan Isla Markaana Gacan Saarka La Leh Xukumada, Arintan Ayaa Dhabar Jab Wayn Ku Ah  Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Iyo Inta La Aragtida Ahba, Maadaama oo rag badan oo lasafnaan jiray Gudoomiye Muuse Biixie iyo Maxamed Kaahin Axmed mar qudha lagu dhex arkay garabka ay iska soo horjeedaan ee Madaxwayne Siilaanyo  uu hogaaminayo ,iyada oo taa badalkeeda uu Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Xisibiga Kulmiye  Jaamaac Shabeel uu ku sheegay ragaasi dhadhamo raaci  yidhina ” Nin Soori kaa qaaday waa nin Seefi kaa qaaday ”  balse taasi ma fududayn doonaa in ay biyo ku shubto Khilaafkii Xisbiga Kulmiye u dhexeeyay, Maadaama oo aad Moodo uu  Gudoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye uu soo dhaweeyay Guddida uu usaaray Gudoomyaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan in ay isu soo dhaweeyaan labadan garab ee uu u isu haya Xisbi Xaakimkii, Iyada oo loo mecnaysan karo in Garabka Madaxwaynuhu uu hor kacayaa in uu Mustafayn badan iyo Dhaameelba uu ku kasbaday in badan oo ka mid ah Kooxdii taabacsanayd Gudoomiye Muse Biixi taasi ay fududayn karto in Xal laga gaadho khilaafkaasi , Maadaama oo uu Khilaafkani Salka ku hayo cidii noqon lahay Madaxwaynaha shanta sano ee soo socda,  waxa kale oo wax lala yaabo ah in marka kasta oo ay khilaaf ka dhex abuurno Siyaasiyiinta Soomaalilland uu ninba dadwaynaha ugu dhigo sida uu doonaya Dastuurkana u macnayo kolba sida uu rabo taasi oo inta badan ku rida jahaweer  shiicibka  iyada oo imika maalmihii ugu danbaysa shirarkii jaraa’id ee ay qabanayeen Kooxahaasi is hayaa uu midba dhinaciisa Dastuurka Xisbiga iyo Dalka soo adeegsanayay,  taasi oo bulshawaynta aan aqoonta u lahayn sharcigu ay ku mecneeyay ” Idin kala garan maynee guulaysta”   dhanka kale waxa ay dadwayne fara badani iswaydiinayaa sidee ayuu Xaalkeedu Noqon doonaa Xukumad iyo Xisbigeedii oo is haysa wali uu arinkoodu marayo Mid mid ku taad, balse waxa laga dhursugi doonaa halka ay sal dhigato Maalmaha soosocda. Qalinkii; Ismaaciil C Hilqad

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...