Oday Dhaqameedka Boorame Oo Taageero Miisaan leh u Muujiyay Murrashaxnimadda Madaxweyne Siilaanyo

Date:

Boorame (Wargane News)-Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolada galbeedka Somaliland oo shir jaraa’id maanta ku qabtay gudaha magaalada Boorama ayaa waxa ay taageero xoogan u muujiyeen musharaxnimada mar labaad ee jagada ugu saraysa dalka ee uu isku soo sharaxay madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Intii uu socday shirkaasi Jaraa’id ayaa waxa ay odayaasha dhaqanka oo hadalka iska daba qaatay carabka ku adkeeyeen in Madaxwayne Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo iyo Madaxwayne ku xigeenkiisa Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ay mudadii koobnayd ee ay xilka hayeen ay muujiyeen dadkaal xoogan oo ay u galeen ka mido dhalinta balanqaadyadaii xisbiga Kulmiye eek u qotomay isbedelka, guud ahaan maantana uu dalku yahay mid uu ka muuqdo isbedel balaadhan oo la taaban karo.

Sidoo kale Suldaan Muxumed Jaamac Hadi oo kulankan ka hadalay ayaa yidhi “Maanta roobkaa da’aya iyo raxmadaas balaadhan waxa ay ku timid wanaaga madaxwaynaha xaqa ah, waxa aan ku taageeraynaa madaxwaynaha isasoo sharaxaadiisa, waxana aan leenahay waan hambalyaynayaa madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa, waxana aan sheegaynaa in ay xukuumadu tahay mid ku astaysan hormar, dalka oo dhana uu taasi ka marag kacayo loona baahan yahay in la isku kaashado sidii codka loo siin lahaa Masuuliyiinta hogaanka maanta u haysa xukuuamda waxqabadka la mahadiyay ee dalka ka qabsoomay”

“Waxa aan soo dhawaynaynaa musharaxnimada mar labaad ee jagada madaxwayne nimo ee uu shaaciyay inuu isu taagayo Madaxwayne Siilaanyo, waxa aan leenahay waad mutaysatay, waxana ay odayaasha, cuqaasha, waxgaradaka iyo dhalinyarada kulankanqabtay ay ka marag kacayaan in ay xukuumadu tahay xukuuamdii hormarka, xukuumadii himilada, xukuumadii wadaniyada, waxa aan sheegaynaa in taageero xoogan ay xukuumadu ku leedahay galbeedka Somaliland, waxana aan u rajaynaynaa, Madaxwaynaha, Ku xigeenkiisa iyo golahiisa wasiiraduba inay mar kale ku soo laabtaan xilka” ayuu yidhi Chief Caaqil Daahir Cismaan Cilmi

Sidoo kale Boqor Cismaan Barkhad Xirsi oo siguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “ Way mutaysteen oo waan u hambalyaynayaa xukuumada Madaxwayne Siilaanyo iyo Madaxwayneku xigeenkiisa,Eng. Saylici, waxana aan sheegaynaa inay ku mutaysteen taasi sida ay uga midho dhaliyeen balanqaadkoodii, sidaas aawadeed, waxa aan soo dhawaynaynaa musharaxnimada mar labaad ee madaxwaynaha, waxana aan leenahay waa loo baahan yahay in mar kale 5 sano la doorto si dalku hormar xaga dhaqaalaha, dhismaha iyo aqoonsigaba ah u hiigsato, waxana aan ku dardaaraynaa umada in la taageero M/Siilaanyo iyo M/Ku Xigeenkiisa, dalkana midnimadiisa hareeraha laga joogsado”

Caaqil Cabdi Cawaale oo hadalka qaatay ayaa yidhi “Waa guul oo waan ku faraxsanahay, waanan soo dhawaynayaa Musharaxnimadaka soo yeedhay Madaxwayne Siilaanyo, Kulmiye, isbedel buu ku baaqay, waxana an sheegayaa in isbedelkii uu muuqdo oo dalka oo dhan laga dheehan karo, sidaas aawadeed ayaan leenahay si loo taabo galiyo waxqabadka iyo ictiraaf raadinta waa in la taageeraaoo la soo dhaweeyee Musharaxnimada M/Siilaanyo iyo M/Ku xigeenkiisa”

Eng Xasan Obsiiye (Xasan Sheeko) iyo Waxgarad Aadan YuusufRiyaale (Wiilwaal)oo iyaguna hadalaqaatay ayaa ka marag kacay in shirkan jaraaid uu xambaarsan yahay in laga mahad naqo waqabadka bari ilaa galbeed, koonfur ilaa waqooyo ka wada muuqda dalka oo dhan kaasi uu ku yimid hufnaanta iyo hogaan wanaaga M/Siilaanyo iyo Ku Xigeenkiisa, loona baahan yahay in la is barbartaago si ay u rumawdo in uu M/Siilaanyo yahay mid xilka ugu sareeya dalka ku saalba mar kale isaga oo ay u doorteen dadku, rabitaanka dadkana ku jooga si uu uga rumeeyo himilada shaqcanka ee ah hiigsiga himilooyin waxqabada oo waara iyo helitaanka ictiraaf caalami ah.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...