Murrashaxnimadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Culays Iyo Cabsi Ku Abuurtay Mucaaridka

Date:

Hargeysa (Wargane News) – Masuuliyiinta kala duwan ee labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI ayaa sida fiinta uga ooyey, isla markaana dareen cabsi iyo deganaansho la’aan ah ka muujiyey hadalkii uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelintu Md Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) todobaadkii hore ku cadeeyey in Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u sharaxan yahay inuu mar labaad Inuu u tartamayo xilka Madaxweynenimada Somaliland doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka dhacdo sannadka fooda innagu soo haya ee 2015-ka.

Masuuliyiinta labada xisbi mucaarid oo tan iyo markii sida rasmiga ah loogu dhawaaqay Murashaxnimada Madaxweynaha si habqan ah warbaahinta ula hadlayey ayaa muujiyey in ay si weyn uga naxeen murashaxnimada Madaxweyne Axmed Siilaanyo, oo ay u arkeen mid halis ku ah mustaqbalkooda siyaasadeed isla markaana god madow iyo haadaan dheer ku ridaysa rajadii iyo yididiiladii ay ka qabeen inay xisbiga Kulmiye kaga guulaysan karaan loolanka doorashada madaxtooyada ee loogu tartami doono jagada Madaxweynenimada dalka. Taasina waxa ay sababtay in ay masuuliyiinta labada xisbi qarsan kari waayaan rajo xumada soo food saartay iyo cabsida ay Murashaxiintoodu ka qabaan Madaxweyne Siilaanyo oo ay rumaysan yihiin in aanay doorasho kaga adkaan Karin.
Sidaas darteedna, siyaasiyiinta labada xisbi waxa ay bilaabeen in ay si wadajir ah u cambaareeyaan Murashaxnimada Madaxweyne Axmed Siilaanyo, iyo weliba in ay baaqyo hambalyo iyo taageero isugu jira u diraan Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay sheegeen inay ku hambalyaynayaan hadalkii uu dhowaan ku sheegay inuu isu taagi doono tartanka murashaxnimada Madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye.

C/Rashiid Riyo Raac oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, isla markaana aan ku baaluqin saaxadda siyaasadda oo ololaha ugu jira inuu magaciisa xukuumadda iyo shacbigaba khasab ku baro ayaa mawduucan uga hadlay si waayo arragnimo la’aan badani ka muuqato, waxaanu yidhi “Annagu horta ka WADDANI ahaan waxaanu marka hore aanu u aragnaa in arrintaasi ay tahay sharci darro,in aanay ahayn wax lagu kalsoonaan karo sababtu waxaa weeye, madaxweynihu maalin ka hor ayaa uu baarlamaanka khudbad sanadeedii uu ka hor akhriyey kumuu darin in uu yahay musharax, waxaan leenahay dee Wasiirka Warfaafintu waa ka afka qaranka ku hadla,markaa dee haddii aan wasaaradiisa aan la iska soo sharaxayn, anigu ma aqoonsanin hadalkii Wasiirka Warfaafinta.”

Mr. Riyo-raac waxa uu indhaha iska qabtay waxqabadka dhinacyada badan ee xukuumaddu ku tallaabsatay, waxaanu yidhi “Ma qabo in uu madaxweynuhu doonayo inuu mar labaad isa soo sharaxo waayo waxa uu dalka u qabtay oo sax ah lama hayo.”
Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed, ayaa isna sheegay inuu dhambaal hambalyo ah u diray Guddoomiyaha KULMIYE oo dad badani aaminsan yihiin inay u hambalyeeyeen ka dib ay is tuseen inuu yahay murrashax haddii uu soo baxo ay si fudud ugaga adkaan karaan doorashadda madaxtooyadda ee kal-dambe. Taasina ay sababtay inay taageero iyo guubaabo badan la garab istaagaan.

Geesta kalena Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu ka soo horjeedo in Madaxweynaha Somaliland mar kale isu soo taago doorashada madaxtinadda oo ay ka walaacsan yihiin inuu si aqlabiyad ah hadhuudhlaha ugu darro. Waxaanu taageeray Murrashaxnimadda Guddoomiyaha KULMIYE oo ay u arkaan inuu u soo dhawaynayo rajada ay ka qabaan inay kursiga hoggaaminta dalka gaadhaan. Waxa kale oo gudoomiyaha UCID go’aankan u qaatay si ay iskugu soofeeyaan Xukuumadda iyo xisbiga ay ka dhalatay ee KULMIYE oo ay aaminsan yihiin in wixii khilaaf ah ee ka dhex dhashaa uu yahay guul siyaasadeed oo mucaaridka badhi-taari karaysa.

Dhinaca Kale. Guddoomiyaha Kooxda la baxday madasha wada tashiga Xasan Guurre Jaanac, ayaa si cad u soo bandhigay taageerrada dhalanteedka ah ee aan afka dhaafsiisnayn ee ay u hayaan Murrashaxnimadda Muuse Biixi waxaanu yidhi “Labaduba (Muuse Biixi iyo Madaxweyne Axmed Siillaanyo) xaq ayey u leeyihiin inay isa soo sharaxaan oo Madaxweynaha laba jeer ayuu Distoorku siiyey in uu isa soo sharaxo ee mar Saddexaad xaq uma laha. markaa wuu is sharaxi karaa,Muuse Biixi-na xaq ayuu u leeyahay in uu isa soo sharaxo sida qof kasta oo Muwaadin ah oo Xisbiga Kulmiye ka tirsani uu Waxna dooran karo, lana dooran karo. Muuse biixi waliba waxa intaasi u dheer Madaxweyne Axmed Maxamed (Siillaanyo) sannadkii 2003-dii wuu dhisay (Muuse) oo aasaaseyaashii Xisbiga aasaasay ayuu ahaa oo illaa maanta ilaa maalintaas doorashadiisii u dambeysayna aad iyo aad ayuu u taageeray oo naf iyo maalba wuu ku taageeray. Codka u badan ee uu Madaxweyne Axmed (Siillaanyo) libta ku helay ee Kursiga uu ku fadhiyo Muuse Biixi iyo ragii la midka ahaa ayaa u keenay waa ragii Muuse Biixi ayaa ka hadhay.”

Xasan Guure oo iska dhigayay nin Muuse Taageersan waxa uu baaq u jeediyay madaxweynaha waxaanu yidhi “Ragii kale oo dhami way ka wada tageen oo Muuse oo kaliya ayaa kaga hadhay maanta abaalka xaq ayuu ugu leeyahay oo labada maanta Muuse abaal ayuu ku leeyahay in la taageero,haa waan leeyahay waa Axmed Maxamed waxa aan leeyahay abaalka mar uun gud oo waa Markiisiiye’ bal Muuse uga tag oo uga tanaasul oo waliba ku dhis.”
Riyo raacXasan Guure

Si kastaba arrintu ha noqotee waxaan shaki ku jirin in murrashaxnimadda kalka labaad ee Madaxweyne Siilaanyo dastuurka iyo xeerarka dalkuba siinayaan uu ka nixiyay mucaaridka oo sida fiinta uga qeyliyeen, waxaanse la garanaynin illaa wakhtiga ay mucaaridku sii wadi karaan taageerada aan nasteexa ahayn ee afka baarkiisa ah ee ay u hayaan Gudoomiyaha KULMIYE.

XIGASHO: WARGEYSK DAWAN

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...