Kooxda Liverpool ayaa wada heshiis cusub oo ay la galayaan tababarahooda Rodgers hesiis afar sano ah. Rodgers ayaa Liverpool u horseeday inay sannadka danbe ka qaybgasho horyaalka yurub iyadoo tartanka horyaalka ingiriiskana meel fiican kaga jirta inkasta oo uu rajadoodii horyaalka dhaawac weyni soo gaadhay kadib barbaraha ay lagaleen kooxda Crystal Palace.
Rodgers ayaa markii uu kooxda yimid wuxuu u saxiixay heshiis labo sano ah waxaana ku xirneyd shuruud ah in mustaqbalkiisu ku xiran yahay halka uu gaarsiiyo kooxda.
Inkasta oo aan heshiiskan la saxeexin haddana labada dhinac ayaa isku afgartay in Rodgers uu kooxda sii joogo illaa 2018. Rodgers ayaa todobaadkii hore cadeeyay in wada hadalo u socdaan kooxda Liverpool. Liverpool ayaa hal dhibic ka saraysa kooxda Man City oo iyada hal ciyaara gacanta ku haysata taas oo u baahan 4 dhibcood oo kaliya si ay ugu guulaysato balse wali waa suurogal in Liverpool horyaalka ku guulaysato haddii City ay hal kulan laga badiyo.
Liverpool ayaa sanadkan waxay dhalisay 99 gool balse waxay dhibi ka haysataa dhinaca difaaca iyadoo ay daliil u tahay in Crystal Palace 11 daqiiqo ay saddex gool ka dhaliso. Mulkiilaha liverpool John W Henry ayaa ku qanacsan shaqada wayn ee uu qabtay Rodgers wuxuuna aaminsan yahay inuu kooxda u dhiibay tababarihii ku haboonaa wuxuuna doonayaa inuu Rodgers ku abaalmariyo shaqada fiican ee uu kooxda u qabtay isagoo 4 sanno heshiis ah miiska u saaray.
Rodgers ayaa sheegay inay u baahan yihiin ciyaartoy tayo leh si ay ugu tartamaan horyaalka yurub xili ciyaareedka danbe waxaana la sheegay inuu doonayo inuu la soo wareego illaa 5-6 ciaartoy oo tayo sare leh. Waxakale oo meesha ku jirta inuu kooxda ka fasixi doono ciyaartoy dhawr ah oon kooxda muhiim u ahayn oo ay ku jiraan kuwii uu soo iibsaday xagaagii hore oo iyagu kooxda la qabsan waayay.