Dab-damiska Shirkadda Dahabshiil Group ayaa waxa uu noqday mid markasta Hormood ka ah Gurmadka Iyo Badbaadinta Masiibooyinka Ka Dhasha Dabka noocyadiisa kala duwan ee ka dhaca Somaliland,waxaana markhaati cad kaaga ah kaalintii ay dahabshiil ku lahayd Bakhtiinta dabkii dhawaan qabsaday Kaalinta Kaah.
Maamulka Shirkadda Dahabshiil waxay ay si hagar la,aana heegan uga dhigeen Gaadiidka dab-damiska ah ee ay shirkadu leedahay,taas oo ay uga dan leeyihiin in hadii ay wax dhacaan ama meeli gubato ay markiiba ka qayb qaataan gurmadka deg-dega ah,waxaana ay taas ku mutaysteen Dab-damiska Dahabshiil oo noqday ka kaliya ee ay markasta Biyihiisu buuxaan,islamarkaana si bilaa shuruud ah u taga halkii loogu talagay ee dhibtu ka jirtay.
Waxay ay ahayd 3/5/2014 markii ay gubatay , kaalinta Shidaalka ee Kaah oo ku taala dhinaca bari ee laga soo galo Magaalada Hargeysa Taas oo uu Dab xooggani qabsaday waxayna ku guulaysteen inay bakhtiiyaan dabkaasi.Gaadiidka dab-damista ee shirkada Dahabshiil,
Sidoo kale waxa halkaasi soo gaadheen laba gaadhi oo dam damis ah ku waasi oo mid kamida uu leeyahay Dahabshiil halka ka kalana ay leedahay dawlada hoose,waxaana ay tibaaxayaan in aan Damdamiska dawlada Hoose aanay ku jirin wax biya ah oo uu ku badbaadiyo gubashada kaalinta shidaalka ee kaah oo dabkeedu u fidaayey dhica Supr marketka
Dab-damiska Shirkadda Dahabshiil Group waxa uu badbaadiyey khasare ku habsan lahaa dad iyo duunyaba kuwaas oo ay sababeen masiibooyin ka dhashay dabab kala duwan oo ku habsaday ganacsato iyo kuwo danyar ahba
Waana shirkadda kaliya ee u go’ay inay si gaara u taakuleeyo,u gargaaro dadka tabaalaysan ama aadka u jilicsan,kuna dhaqma fariimaha iyo wacdiga ay Diinteenu ugu baaqdo dadka uu Ilaahay[swt] maalka siiyey.