Wuxu ahaa aabe qoyskiisa maalin kasta webiga uga soo dhaamaya biyaha oo ku soo qaadi jiray qoriga garbihiisa labada weelka ugu xidhan.
Midkooda labada weelka ah waa uu daloolay oo biyaha ayuu daadin jiray waxaana guriga gudihiisa uu soo gaadhsiin jiray kala badh marka uu webiga ka soo dhaamiyo. Laba sano markii uu waday ayuu weelkii daloolay la hadaly oo ku yidhi :” Waxaan la yaabay dadaalka haddana cidladda ku dhaamanaya, maalin kasta biyaha aad igu qaado kala badh way daataan”.
Aabaha oo faraxsan ayaa ugu jawaabay weelkii daloolay :” Miyaanad u fiirsan ubaxyada dariiqa guriga qurxiyay iyo khudrada baxday ee ay soo saareen biyaha kaa daatay”. “Midhaha gurigayga ka baxay adiga ayaa waraabiya aniguna waan gurtaa”. Haddii aanad daloolin midhahaasi iima bexeen, waana aan ugu talogalay”. Waxa muhiim ah inaan aqbalano ficilada ay samaynayaan dadka aan la noolahay, waayo dhinaca aan arkayno maahe, dhinacyo kale ayaa jira oo wax kasta laga arkayo”.