Gudoomiyaha deegaanka ayaa dadkii u jeediyay khudbad waxaana uu ku dhiira geliyay inay dadlaan oo isku duubnaadaan isla markaana is saamaxaan. Waxaan uu sheegay in haddii aan la is cafiyin aanay samayn karayn horumar iyo wax wada qabasi.
Waxa uu ku dhiirigeliyay in qof kastaa wixii uu ka cadhooday ee lagu sameeyay iska dhaafo oo ilaabo. Markii uu khudbadii iyo waanadii dhameeyay ayay gabadhiisa oo ka mid ahayd dadkii gaadhigiisa ku soo qaaday, mudadii ay dhexd ku soo jireen ayay ku tidhi :” waxaan doonaya inaan arin ku sheego waayo waxa saamayn igu yeeshay waanadii aad jeedisay. Ninka ayaa ku yidhi ii sheeg. Waxaana ay ku tidhi: ”Saacadii dahabka ahayd ee aad iibisay ayaan dib u xaraashay, waayo waxaan u baahday lacag, markaa waxaan doonayaa inaad arinkaasi iga cafido oo aad isaamxado”.
Nikii ayaa gaadhigii joojiyay isagoo aad u cadhaysan ayuu ku yidhi :” Waxaan aad ku hadalayso waa maxay? , waxaad samaysay tuugo, mana dhici karto! Tuugo maa la saamixi karaa? “.
Gabadha oo dhoola cadaynaysa ayaa tidhi: “ Waar gaadhiga inoo kexee saacadna maan iibine, waa tan gacantayda ku xidhane, waxanse la yaabay, cafiska aanad adiguba samayn karin sida aad dadka ugu waaninayso, dadka aad u sheegayso inay is cafiyaan xumaan kala duwan ayaa dhex martay,! Adigoon xataa xaaskaaga cafiyo Karin sided bulsho kale ugu waanin cafiska?,
Waxa fiican in arinka kasta oo aad dadka ku waaninaysa uu noqdo mid aad adigu samayn karto, Dad badan ayaa arrimo iyaga ku adag dadka kale ku dhiirgeliya samayntooda.