Waxay jaar la ahayd xarun samafal , markii ay u timi maamulaha xarunta waxay weydiisatay in la caawiyo oo bishan raashinka ay cuni lahayd la siiyo. Markiiba waa la siiyay madaama iyadoo jaar la ahayd aanay haddana weligeed waxba weydiisan. Laakiin haddana markii ay bishii dhamaatay ayay timi oo ka codsatay in bishana la siiyo raashinkeeda.
Maamulaha ayaa weydiiyay waxa ku dhacay iyo xaalkeeda ? Waxaana ay ku jawaabtay:” Odaygaygu wakhti hore ayuu dhintay, wiilkii aan dhalay oo biilka isiin jiray dal kale ayuu u shaqo tegay, markaa ma haysto waxaan ku noolado wakhtigan”.
Maamulaha ayaa haddana ku yidhi “Wiilku miyaanu waxba kuu soo dirin?” Waxayna ku jawaabtay mayee weli wax lacag iima soo dirin laba bilood oo uu maqnaa wuxu iisoo diray laba waraaqood si aanan u ilaabin.
Maamulaha ayaa weydiiyay waraaqihii xageed geysay ? Waxayna tidhi waxaan ku sharaxay guriga si aan wiilkaygu ugu xusuusto. Bal it us ayuu yidhi waraaqaha waxa ku qoran. Nasiib wanaag waraaquhu waa jeegagii loogu soo qory lacagtii wiilkeedu usoo diray oo baanku soo gaadhsiiyay, waxa ku qoraa lacag dhan $ 1000. Sidaasi ayuu gaajo ugu dhimanayaa qolkiisa qofka aan waxba akhriyin dadkana aan kaashan.