Siddeed Qodob oo ay Tahay Inay Ku Dedaalaan Dadka Xanuunka Macaanka Qaba

Date:

Qormadeena labaad ee Barnaamijka Caafimaadka Wargeysa Dawan ee Todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doonaa, qodobo muhiim u ah dadka qaba xanuunka Macaanka inay sameeyaan, si ay uga badbaadaan halista uu jidhka u gaysanayo xanuunku.

Todobaadkan waxaanu idin la wadaagi doonaa qaabka aad u mayasn karto hab nololeed ku dhisan jawi caafimaad oo aad kula tacaali karto xanuunka Macaanka si aanu awoodaada jidheed u nuglaynin.

Cudurka Macaanku wuu cudur raagaa, kaas oo sameeya awoodda uu jidhku u leeyahay inuu maareeyo heerka sonkorta dhiigga. Waa xanuun u baahan in laga taxadaro cunnada iyo qaab nololeedka sii loo maareeyo.

Muhiimadda ay leedahay cunnada caafimaadka leh:

Cunnada caafimaadka uroon waxa ay kaalin wayn ka qaadataa maareynta xanuunka macaanka, waxa ay caawisaa xakamaynta heerarka sonkorta dhiigga, ilaalinta miisaan caafimaad leh iyo ka hortagga dhibaatooyinka ka dhasha xanuunka macaanka.

Dheellitirka kaarbohaydareetyada:

Kaabohaydareetyadu waa shayga saamaynta ugu badan ku leh heerarka sonkorta dhiigga. Dooro iskudhisyada kaarbohaydareetyada sida badarka, noocyada digirta iyo khudradda adigoo xadidaya sonkorta cad iyo cunnooyinka warshadaysan.

Dufannada caafimaadka uroon:

Dufaannada caafimaadka leh jirku kama maarmi karo waxayna aasaasi caafimaadka guud. Cunnooyinka dufannadaan laga helo waxaa ka mid ah miraha afaakadhada, lawska, qoondarka, miraha chia seeds iyo saliid saytuunta. Waa in la iska ilaaliyo dufannada nooca loo yaqaanno “saturated fatty acids” ee ku badan cunnooyinka shiilaan iyo hilibka dufanka leh.

Hilibka jiirka ah:

Barootiintu waxa ay caawisaa cufnaanta murqaha iyo sonkorta dhiigga lagu ilaaliyo heerkeeda dabiiciga ah, Slsidaas awgeed dooro kalluunka, difaagga aan maqaarka lahayn ama digirta halkii aad ka cuni lahayd hilibka caddiinta ah aama hilibka warshadaysan.

Kontaroolista xaddiga aad cunayso:

Koontaroolista cabirka aad cunayso waxay muhiim u tahay maaraynta xanuunka macaanka. Isticmaal saxan yar ama baaquli yar si ay kaaga caawiso inaad aragto xaddiga aad cunayso. Saxanka kalabar khudrad ka dhig, barka kalana raashin.

Ilaali sonkorta aad qaadanayso:

Iyadoo ay muhiim tahay inaad xaddido sonkorta, haddana waxaad si dhedhexaad ah ugu raaxaysan kartaa macaanka furuutka dabiiciga ah. Furuutka sidooda ku cun halkii aad cabitaan ahaan u cabbi lahayd.

Qorsheynta xilliyada cunnada:

In qorshe u samaysato xilliyada waxa kaa ay caawinaysa joogtaynta iyo kontoolista cunnada aad dooranayso. Ku dedaal inaad waqti go’aan u samaysato xilliyada cunnada sida quraacda, qadada cashada iyo cunnooyinka fudud ee  u dhexeeya xilliyadaas.

Biyo cabbista:

Biyo cabista iyo dareeraha waxa ay lagama maarmaan u tahay qof kasta khaasattan bukaanka qaba xanuunka macaanka. Cab biyo badan maalintii oo dhan, adigoo xadidaya cabitaannada sonkorta leh sida kuwa soodhaha ama cabitaannada furuutka..

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...