Dahabshiil oo 4000 Booyadood Biya ah Abaaraha Ugu Deeqay

Date:

Dahabshiil Charity Foundation oo 4,000 oo Booyadood oo biyo ah ugu deeqday deegaanadda soomaalidu dagto ee Geeska Afrika.

Dahabshiil Charity Foundation, ayaa ugu deeqday Dadka Soomaalida ah ee ay saameeyeen Abaaraha ba’an ee ka jira qaybo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto ee Geeska Afrika

Maamulka Guud ee Dahabshiil Charity Foundation Axmed Faarax Dalal (Axmed Wiiwaa), ayaa sharaxaad ka bixiyey taakulada Dahabshiil Charity Foundation ugu talo gashay dadka Soomaalida ah ee Abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo uu xusay in ay ugu talo galeen afar kun oo booyadood oo biyo ah, waxaanu yidhi “Aniga oo ku hadlaya magaca Guddoomiyaha Shirkadda Dahabshiil, gaar ahaana qaybta Dahabshiil Charity Foundation Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, waxaan halkan ka iclaaminayaa qorshaha baahiyaha biyaha ee abaaruhu keeneen taakulada ay Shirkadda Dahabshiil kaga qayb gelayso dadka abaaruhu saameeyeen ee afka Somaliga ku ah ee ku nool deegaannada Geeska Afrika. Maamulka Shirkaddu markii uu si qoto dheer u baadhay baahiyaha jiraa sida ay u kala badan yihiin, waxay go’aamiyeen in dhammaan deegaannada Somalidu degto ee ka kooban Deegaannada Somalidu degto ee Itoobiya ee abaaruhu saameeyeen, Waqooyo bari Kenya, Jabuuti, Somalia, Puntland, Somaliland ugu deeqdo afar kun (4000) oo booyadood oo biyo dhaamis ah. Afartaas kun ee booyadood markii shirkaddu samaysay qaybta Khayriga ah, waxa ay u samaysay nidaam ay wax ku qaybiso, kaas oo ah in wakiilladeedu ay goobaha dhibaatadu saamaysay iyaga oo la shaqaynaya guddida maamullada abaaraha ee meel kasta ka jira u gudbin doona. Guddida heer qaran ee Abaaraha Somaliland si gaar ah ayey ula kulmi doonaan, oo ay qaybtooda kala hadli doonaan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...