Badi xildhibaanada xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa saaka isku diyaariyay ka qeyb galka marti-qaadka madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u fidiyay mudanayaasha .
Xildhibaanada mucaaradka qaarkood oo ay ii suuro gashay inaan khadka taleefanka ku helo ayaa ii sheegay inaanay jirin sabab ay u diidaan yeedhmada madaxweynaha mar hadii aanay garan karin wuxu kala hadlayaa waxay yihiin ( hawl qaran iyo mid shakhsi).
Halka xildhibaanada kulanka ka biyo diiday yaguna ku doodayaan xaaladda abaareed ee jirta awgeed inaanay suuro gal ahayn inay xafladeystaan .
Hogaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa wararka ka soo baxaya dhankooda sheegayaan in ay mudana-yaaasha xisbiyadooda ku abtirsada u soo jeediyeen inay xor u yihiin ka qeyb galka kulankaasi iyo diidmadiisaba oo aanu jirin go’aan xisbi oo lagu diidayo ama lagu doonayo inay mudanayaashu qaataan , taas oo ka dhigan in aanu jirin go’aan mucaarad oo xisbiyadu ku qaabileen kulankaasi.
Kulan-kan oo aanu jirin war rasmiya oo ka soo baxay waxa uu daaran yahay illaa hadda , ayaa se loo badinayaa mar hadii uu yahay kii koobaad ee doorashadii kadib toos isku waajahaan madaxweynaha oo golaha fulinta hogaaninaya iyo mudanayaasha la doortay ee golaha wakiiladu , bogaadinta mudanayaashan cusub , kaftanka iyo is xaalwaraysi kadib , waxaa suuro gal ah in lagu soo qaado xidhiidhka wada shaqeyneed ee ka dhaxeeya golaha fulinta iyo golaha sharci-dajinta oo maal-mihii dambe is-maandhaaf ka jiray iyo xaaladaha siyaasadeed , dhaqaale iyo abaareed ee dalka hadda ka jira , inkastoo ay koobnaan doonto inta qodobada la soo qaado marka la eego kulanka oo ah kii koobaad iyo wakhtiga uu socon doono .
@ Wariye Faysal Fifa