“Ogolaan Mayno Ninka Carruurta Ugu Sheekaynaya Reer Awdal Somaliland..”

Date:

W/Q Wasiir Hore Cawaale Shirwac 

Dadka aadka iigu soo canaantay u jawaabida #Hamud #Maansheeye ee igu eedaynaya in aan Reer kale u hadlayo waxan leeyahay sidan
Marnaba ma taageero cabudhin iyo amar ku taaglayn. Hadaan xil hayey iyo hadii kaleba waan ka hadlaa hadii ay muuqato xaq daro.
"Ogolaan Mayno Ninka Carruurta Ugu Sheekaynaya Reer Awdal Somaliland.."
Dadka u arkay in aan ka hor imid qof muwaadin ah oo aragtidiisa iyo xaqiisa sheeganaya, caqligay nagaga ciyaarayaan.
Ninkaan u jawaabayay wuxuu aduunyada la marayay #Somaliland cid gaar ah baa leh, reer Awdalna reer Somaliland ma aha.
Waa beentii baan leeyahay. Somaliland dadka dega oo dhan baa leh. Reer Awdalna #Somaliland sharciyan iyo muruqba way ku dhiseen, waliba markii ay Somaliland qarka u saarnayd in ay dunto REER Awdal baa badbaadadeeda ku suntan, badbaadinta Somaliland kamay dhicin u soo dagaalankii xoranta dalka, keliya reer Awdal dad sheegta libintaa may noqon.
Ogolaan mayno nin weyn oo raba in uu ubadka ka dhaadhiciyo WADANKA ma lihidin ee reer hebel baa leh.
Waxase xaqiiq ah in iyadoo xirfad iyo siyaasad iyo qabyaalad la isticmaalayo, ay in gaar ihi ilihii dhaqaalaha, ilihii siyaasada iyo meeshii naf lehba qaateen. Taasi waa xarfad, xarfad xaaraan ah, qaranimadana u xun (Biyokama dhibcaan).
Dawlada la xisaabtan, la xifaaltan, la gorgortan, tilmaan dhaliilaheeda iyo hadii xaqdaro ka muuqato, soo bandhig STATISTICS iyo xog si umadu kuugu garowdo. Laakiin Caruurtayada iyo dadkayaga xariirta ah ha ka been sheegin,
SOMALILAND WAA WADANKAYAGII, ANAGAA LEH, ANAGAA ADUUNYADA 30 SANADOOD TUSNAY IN SOMALILAND UMADII WADA DEGANAYD SIDAA KU TASHADEEN.
Reer Awdal waa dad xariir ah, kama helaan dawlada hada jirta een anigu xubinta ka ahaa ixtiraamkii iyo karaamadii ay mudnaayeen. Anigoo wasiir ahna waan sheegi jiray, maantana waan sheegayaa laakiin taas micnaheedu maaha Wadankaa laga leeyahay.
Wa bilaahi towfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...