Cali Guray : Kulmiye Vs Waddani?

Date:

KULMIYE VS WADDANI

13/11/18. 31/05/21- difference
55% 36..7%. -18.3%
41%. 38.3%. -2.7%
4% 25%. +21%
Marka aynu isbarbar dhigno labadii doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada iyo boqoleeyada codadka ay ka kala heleen labada doorasho waxa muuqata in xisbiga Kulmiye 55% ka helay codbixiintii doorashada Madaxwaynuhu uu hoos u dhacay wax ka badan 18% halka Xisbiga WADDANI oo 41% ka helay codbixintii doorashadii Madaxtooyadu uu hoos u dhacay wax ka yar 3%. Labadan xisbi ayaa marka la isku daro ka helay tiradii codbixinta doorashada Madaxtooyada 96%, halka ay ka heleen 75% doorashadii Wakiilada sababtuna ay tahay korodhsiimada UCID oo ah 21%. Tiradan ayaa 2:7 wuxu kala wareegay Xisbiga WADDANI halka 18.3% uu kala wareegay Kulmiye.

Hadaba hadii aynu qiyaastan u rogno taageerada shacbiyadda labada xisbi ee waawayn waxa muuqanaysa in xisbiga WADDANI oo doorashadii Madaxtooyada uu Kulmiye ka horeeyay 14% uu kor maray Kulmiye qiyaas 1.4% ah.

Hadaba sua’aashu waxay tahay hadii sadexdii musharax ee hore ay mar kale tartamaan November 2022 siday noqon kartaa xaaladda labada xisbi ee Kulmiye iyo WADDANI. Marka hore waxa laga yaabaa in kor u kaca Ucid ee ah 21% ay meesha ka baxdo oo halkiisii hore (4%) ku noqdo. Waxa markaa ay WADDANI iyo Kulmiye ku loolamayaan waa 21% ee Ucid ka wareegi doona yaa badsanaya? Waana sua’aasha milyan doolarka ah. Doorashadiina waxa ka hadhsan 15 bilood oo keliya. Kulmiye oo afartii sanadood ee Madaxwayne Biixi uu xilka hayay hoos uu u sii socday taageerayaashiisii horena uu wada saydhay oo cidla ciirsila kaga dhaqaaqay uu kaga soo kaban karo khasaarahiisa mudo 15 bilood ah gudahood??”Lagama yaabo hadiise ay dhacdo waxay noqon mucjiso yaab leh saw maaha?

Xisbiga WADDANI runtii wuu shaqaysanayay. Ugu yaraan wuxu ku guulaystay in horta uu xejisto taageeradii uu haystay markiisii hore haddana 15 bilood wuxu ku dagaalamayaa in uu Kulmiye la boobo taageeradii uu haystay xiligii doorashadii Madaxtooyada ee uu ku loofaray. Xataa hadii 21% ka uu nus ka rito wuu guulaystay ayay ka dhigan tahay. Weliba in uu ka badsan karana u dhaw.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...