Safarkeeygii Somaliland – Hargaaysa

Date:

Safarkeeygii Somaliland – Hargaaysa

Waxay ii aheyd Safar aan waligeey ku hamin jirey oo markaan uu ilaahay rumeeyey.

Dhagta ayaan kamaqli jirey Hargaaysa waxaay ii aheyd magaalo xiiso gaar ah ii leh inaan mar un arko.

Heesihii Barisamaadkii oo aan ka xasuusto heestii “Baxsaneey Hargaaysaay kaa gudoomey baaqii” iyo Umadda oo mar walba dhahda “Hargaysa waa Hooyaddii Fanka iyo Dhaqanka” ayaa aheyd waxa xiisaha iigu yeeley inaan mar uun soo arko magaaladaas la sheegayo.

Subax Barqaad ayaan magaaladda Muqdisho karaacay Diyaaradda Air Jabuuti waxaan u socdo waa inaan guto waajibaad Saaxiibtinimo oo i saaran .

Waxaan ka qeyb galayaa Meherka iyo Arooska Saaaxiib igu Qaali ah oo aan Reer Sweden isla nahay waa Walaalkey Khadar Abdi Mahamud oo loo garan og yahay ( Khadar Shaani) waa isaga qofka aan dartiis u tagay Hargaisa balse meherkiisa xiisaha gaarka ah oo inaan ka qeyb galo uu ii leeyahay waxaa ii sii dheer aragtidda aan arkayo Hargaaysadii aan ku riyoon jirey.

Saaxiibo Siyaasadeed, ehel iyo cid walba oo ogaatey inaan Hargaysa u socdaaley Wadnaha ayey farta saareen.

Saaxiib Qaali igu ah ayaa isoo wacay “War maad Waalatey waa lagu xirayaa maxaad hargaysa ka doontey” ? ayuu igu yiri.

Saaxiib kale oo aan aad u xushmeeyo ayaa isoo wacay “Waar heedhe sow ma ogid inaad Dowlada Somaliya taageerto sow ma ogid inaad tahay Reer Hebel xabsiga adiga ayaa doontey ee yaan lagu arag cidna ha u sheegin Socialmediyadana hasoo dhigin inaad Hargaysa joogtid “ ayuu si canaan leh ii yiri.

Inyar oo cabsi ah iyaddoo ay igu jirto ayaan Madaarka caalamiga ah ee Cigaal ka degey waxaan kala kulmey soo dhaweyn iyo mar xabayn kaftan iyo kusoo dhawoow Caasimadda Somaliland!.

Saaxiib iyo Walaal Wariye ah Maxamed Cawad Maxamed ayaa isoo raadshey inyar ayaan gurigiisa kasii Shaah Cabey, deedna hotelkii la ii qabtey ayaan aadey.

Waxaan fiirinayaa hareeraha wadada, dhismayaasha Qurxoon, dadka nabadda ku xaragoonaya iyo Nabad galyadda macaan ee aan dhex socdo.

Waxaan degey hotelkii la ii wadey ee “White Horse hotel” waan daalanaa xoogaa ayaan iska nastey kadibna saaxiibaddii kale ayaa igu soo biirey oo waan casho tagney.

Subixii ayaan tagney meherkii saaaxiibkey oo aan si dhab ah oo saaxiibtinimo ku dhisan garabkiisa usoo istaagey.

Labadda Reer ee Gabadha iyo wiilku u kala dhasheen ayaa waxaa kala hogaaminaya Labo Wasiir oo caan ah.

Middi waa Wasiir Cali Xasan oo loo garan og yahay wasiir “Cali Mareexaan” halka Wasiirka dhanka Gabadha kasoo jeedeyna uu ahaa Wasiirkii Libaaxyadda Hargaaysa ku heystay oo “Warancade” loo yaqaano.

Intaas waa arintii aan u imid hadaba Anigu Hargaaysa maxaan kala kulmey.

Amniga:

Amniga Magaaladdu waa mid 100% isku haleyn karro waxaan indhaheeyga saarey Wasiiro lugeeynaya oo iska casaryeynaya ilaalana aysan la socon.

Saraakiil Sarsare oo Ciidamadda jagooyin sarsare ka haya oo aan ilaalo wadan magaaladana dhex mushaaxaya.

Xildhibaakii Iimaamka ahaa

Masaajidka aan jimcihii ku tukanaayey waxaa tujinaayey Shiikh dhawaan golaha baarlamaanka ee magaaladda hargaaysa kasoo galey oo lagu magacaabo Xildhibaan Ahmed Dayib ( Ku Caddeeye)

Muusan ka tagin Masaajidkii uu imaanka ka ahaa oo waakan maanta Qudbadda Jimcaha noo aqrinaya.

Wuxuu ka hadlayaa Arimaha Siyaasadda iyo Dowladnimadda Somaliland.

Waakan Qudbadiisa kusoo qaatey. Ilaalinta Diinta dhaqanka, Jeclaanta wadanka,Maalgalinta Dalka,Camiridda iyo Dib u dhiska Dalka.

Shiikhaan Xildhibaanka ah waxaa uu ka Hadley arin aniga markaan Hargaaysa imidba wadnaheeyga taabatey Cabsina igu abuurtey waa arinta Oromadda.

Oromaddu waa Qowmiyad Somaliland si aad ah usoo gashey waxaan ogaadey in guri walba oo Hargaaysa ku yaal uu ka shaqeeyo qof Oromo ah.

Inta la og yahay shacabka Somaliland waxaa lagu Qiyaasaa Afar Malyan iyo Bar laakiin waxaan cabsi ka qabaa in 10 Sano gudahood ay oromaddu ka badnaan doonto hadaan Siyaasad dhab ah looga hortagin.

Waxay barteen afkii, waxaay sheegteen beelihii ,waxaayna kuu sheegayaan inay Soomaaali yihiin.

Aniga iyo Caruur oromo ah .

Meela aan Ice Cream ka gadanayey ayaa waxaa soo istaagey Caruur aad u badan oo Oromo ah.

Waan Salaamay, salaam kadib adeer maxaad aheydeen? Ayaan waydiiyey

-Oromo ayaan nahay waxaana ku dhalanay “Somaliland” ayey mid yarri judhiiba i tirri.
Adeer goormaad Dhulkiinii aadeysaan ayaan si hoose u irri ?

Inta Qososhey ayey itirri anagu “Somaliland” ayaan leenahay oo aan ku dhalanay!!!!

Anoo yara yaaban ayaan mid kale isla Suaashii weydiiyey.

Adeer waxaan ku dhashay Magaaladda Marzabet oo ay ehelkeygu dagan yihiin ayuu mid yari iigu jawaabay, balse Jawaab kale oo iga sii nixisay ayuu yirri taasoo aheyd adeer anagu halkaan baan deganahay ehelkeeygana soo dajinayaa.

Anoo yaaban indhana ay iga soo hareen ayaan halkii ka tagey!!

Caqabadaha Oromadda ee Somaliland waqtiga dhow iyo kan fog!!

Oromadda Qaar badan oo kamid ah ayaa isku Qarxiyey koonfurta Soomaaliya oo dhib ka geystay iyagga oo Xambaarsan aragtida Xagjirnimadda ah sidaasi oo kale Ayaan uga cabsi qabaa inay ka dhici karto Somaliland.

Midda kale, oo aan arkayo inay saameyn fog yeelanaysa waa tiro badnida Oromada iyo Beeleyntooda.

Waxaan maqley in Kaararkii Codeynta ee Doorashaddii dhaweyd la qeybshey ay Oromo qeyb ka aheyd oo la beeleeyey taasina ay dhali karto in dhowr sano gudahood ay Oromo Xildhibaano ku yeelanaayso Somaliland.

Sheekaddii Heey Adda!!

Mid kamid ah Beelaha Soomaliland ugu tunka weyn ayaa waxay lahaayeen Shir Xisbiyeed ay arimo uga hadlayeen.

Iyaddoon Shirkii furmin ayaa waxaa hoolkii Casuumaada waxaa soo xaadirey Boqol qof oo Oromo ah oo wata Casuumaddii Shirka.

War heedhe maxaad aheydeen baa la yirri say judhiiba dheheen Oromo ayaan nahay halkaan waxaa nagu soo Casumey Haay adda. Lol Waase sheeko iga horeysay aniga.

Hadda Beeshii Iyadda ahayd Haay adda ayaa lagu dacaayadeeyaa .

Maxaa Somaliland looga baahan yahay.

Somaliland hormarka ka socda waxaay u baahan tahay inay Siyaasad ku darto, maanta aniga oo Cali Yaasiin ah waxaan ka heley nolosha dadka iyo Cimiladda Hargaaysa.

Meeshii aan Nairobi iyo Adis ababa u Dalxiis tagi lahaa waxaa ii dhaanta Quruxdii iyo neecoowdii Hargaaysa.

Guud ahaan dhalinyaradda Muqdisho waxaay qabaan aragti ah in Hargaaysa liinta la isku siinayo hadaad booqato waa aragti Cabsi leh oo aad loo Iibshey laakiin been ah.

Hargaaysa waxaay u baahan tahay inay Albaadda u furto, Arimaha Maalgashiga,is dhexgalka Shirarka aan Siyaasadda aheyn iyo inay Xarun u noqoto Dhaqanka Soomaliyeed oo dhan.

Albaabadaas haddii aay furto Hargaysa waxay faaaideysaa wixii Nairobi faaiidey oo Adis ababa aay hadda faaiideeyso.

Gabagabo.

Somaliland waxaan kula soo kulmey Dhalinyaro 70% wax bartey oo aad u hansareeya.

Waxaan kusoo arkey dad Qalbi fiican oo aad u niyad wanaagsan oo kaftan badan oo soo dhaweynta iyo Marxabeynta ku fiican.

Waxaan kusoo arkey dhalinyaro hormar ka fakareeysa oo ganacsiga xiiso weyn u haya haddana ganacsi badan abuurey.

Hargaysa waxaan kusoo arkey dad Daacad ah oo Dowladnimadda Jecel Amnigoodana ku fara adeeygay.

Waan Jeclahay Mar labaad iyo mar Sadexaad inaan hargaaysa kusoo laabto.

NB: Sawirka Koowaad Caasimadda Hargaysa

Sawirka Labaad: Saaxiibkey Khadar Shaani oo aan aniga iyo Ganacsade Liban Ali Liban Ali Gadhle garbo taaganahey meherka kahor

Sawirka Sadexaad: Aniga iyo Wasiir Cali Mareexaan oo aan meherka kadib waqti wada qaadaney.

Sawirka Afaraad: Koox Dhalinyaro ah oo Hiddo Dhowr katirsan.

Cali Yaasiin Gurbe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...