Guddoomiye Saleebaan Oo Xildhibaannada La Wadaagay wararka ku saabsan in uu iscasilayo

Date:

Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo saaka laga filayay sida wararku sheegayan inuu golaha ugudbiyo is-casilaad ayaa si kooban ugu sheegay mudanayaasha in cidda isaga dooratay markii horeba ahayd golaha , imikana aanu jirin sabab yaga isagoo aan la wadaagin is-casilaadiisa ay suuqa uga maqlaan , taasoo ka dhigan inaanay ilaa hadda arinta waxba ka jirin , si toosana ugumuu sheegin in warkaasi been yahay , inuu is casilayana toos ugumuu dhawaaqin .
Waxaanu mudanayaasha ku war galiyay in ay guda galaan shaqo maalmeedkooda maanta ee golaha oo aanay waxaa la sheegayo sugin .
Markii mudanayaashu ka bixi waayeen su’aalo arintan ku saabsan iyo guuxna waxaabu ku war-galiyay inu fasax yahay goluhu maandaamo ay golaha ka muuqato inaanu saaka shaqo diyaa u ahayn , berina laysku yimaado.
Gudoomiye Saleebaan ayaa markani noqonaysa markii sadexaad ee suuqa ay soo gasho inuu baneynayo kursiga taas oo ilaa hadda aan rumobin .
Waxaase jira weli sida wararku tibaaxayan inuu tashiga arintaasi bad-sanayo oo odayasha golaha ee ugu mudakarsan laftooda kala tashan doono maalmaha soo socda inuu kursiga baneeyo iyo in kale .
@Faysal Fifa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...